qaar katirsan Bahda isbortiska ayaa lagu warejiyey qalab isbortis

    37
    0
    SHARE

    Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qalab Isboorti ku wareejiyay ciyaartoyda degmooyinka Gobolka Banaadir, kuwaasoo ka qeyb galaya Tartanka ciyaaraha K/cagta ee degmooyinka.

    Qalabkan Isboortiga ee maanta loo qeybiyay ciyaartoyda 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir ayaa waxay isugu jireen maaliyado, kabo, kubado kala duwan sida K/cagta iyo kubada Baaskatka, waxaana Maamulka gobolka horay ugu wareejiyay mashruuca Danguud ee ka shaqeeya gobolka Banaadir.

    Munaasabada degmooyinka lagu gudoonsiinayay qalabkan oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka qeyb galay gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dhanka Sportiga iyo cayaartooy caan ka ah dalkeena.

    Qalabkan ayaa loogu talagalay in cayaartoydu ay uga qeyb galaan tartanka kubadda cagta degmooyinka gobolka Banaadir oo la filayo in bisha Febraayo uu ka furmo magaalada Muqdisho iyadoo munaasabada lagu sheegay Qaabka isku aadka kooxaha ka qeyb galaya tartaankaasi.

    Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo Munaasbada ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan uu dhiira gelin u yahay cayaartoyda kooxaha ka qeybgalaya tartanka, isla markaana ahmiyadda ciyaarahan ay tahay mid loogu talagalay kor u qaadista Is dhexgalka bulshada Soomaaliyeed ee ku nool caasimdda dalka ee Muqdisho.

    Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Yuusuf Cusmaan oo gaba gabadii munaasabada warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu mar kale qaban doono tartankii xiisaha badnaa ee is dhexgalka bulshada iyo xifaal ankii dhanka kubadda cagta ee degmooyinka gobolka Baanadir.

    Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir ay ka wada qeyb qaadan karaan, iyadoo sanadkan maamulka Gobolka uu u qeybshay kooxaha kubadda cagta dagmooyinka dhan qalab Sports oo dhameystiran.

    Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulka Gobolka Banaadir soo qaban qaabiyo tartamo ciyaaro xiiso badan kuwaaso dhexmara kooxaha kala gadisan ee dhamaan dagmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo sanadkii 2011 Tartankii ciyaaraha degmooyinka ay ku guuleysatay degmada Dharkeenley.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Leave a Reply