Wednesday, January 17th, 2018

QARAMADA MIDOOBAY OO U CODEEYAY AAYA KA TALINTA FALASTIIN.

Published on December 20, 2017 by   ·   No Comments

176 Dowladood oo ku jira Golaha loo dhan yahay ee Qaraamada Midoobay ayaa u codeeyay qarar golaha la soo hordhigay oo dhigaya xaqa uu shacabka Falastiin u leyahay aaya ka talintiisa.

 

Qaraarkan oo ay 176 da dowadood ku meel maryeen fadhiga qaraamada Midopobay ayaa waxa u ayidaya go’aan hore uu Golaha amaanka uu ku diiday maalintii shalay aheyd kuna saabsanaa go’aanka Madaxweynaha Mareykanka uu ku aqoonsaday in magaalada Qdus ay noqoto Caasimadda Israel isla makaana uu Mareykanku u rari doono safaaradiisa.

 

Dr. Riyaad Mansuur oo ah kormeeraha joogtada ah ee Falastiin u fadhiya Qaraamada midoobat ayaa soo dhaweeyay tageerada dowladaha ku jira Qaraamada Midoobay ay u fidiyeen shacabka xaaq u dirirka ee Falastiin maalin kadib markii Golaha amaanka uu isna si aqlabiyuad ah u ugu codeeyay in magaalada qudus ay tahay Caasimada Falastiin, isla markaana uu diiday qaraarka Mareykanka.

Wuxuuna Riyaad Mansuur uu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku fashilmay isku daygiisa ah in magaalada barakeysdan Qudus oo ka dhigo Caasimadda Israel isla markaana si cad u taageeraya Israel oo xoog ku haysata dhulka Falastiin ilaa sanadkii 1948-kii.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK