Rag hubeesan oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

Rag hubeesan oo goordhaw lagu dilay magaalada Muqdisho

174
0
SHARE

War goordhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabakada Galhareeri ayaa sheegaya in ciidamada amaanka goordhaw meel ku dhaw daarta Saybiyaano ee degmada Hodan ku toogteen rag hubeesan oo gaari la socday .

Ciidamo aad u badan ayaa hada ku sugan Saybiyaano ilaa Suuqa beerta Jaadka , waxaana halkaasi yaala meydadka labo nin ay ciidamada amaanka toogteen iyo gaari nuuca raaxada ah ay ragaasi wateen,

Iska hor imaad kooban ayaa ka dhacay Laamiga gaar ahaan afaafka hore Suuqa lagu gado Caanaha ee ku dhaw Saybiyaano, waxaana gabi ahaan la xiray laamiga isku xira Isgooska Banaadir iyo Isgooska Ex-control Afgooye.

Wararka aan heleyno ayaa sidoo kale sheegaya in ay jiraan khasaaro kale oo ka dhashay iska hor imaadka ka dhacay daarta Saybiyaano, waxaana wararku sheegayana in dad shacab ah  iyo askar ay waxyeelo soo gaartay.

Saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa gaaray halka ay yaalaan meydadka raga la dilay iyo gaariga laga shakisan yahay, walina ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo ku aadan dhacdadan.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Leave a Reply