Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ay ku doonayaan inay kula...

Ra’isul-wasaaraha Ethiopia oo ka hadlay dhaq dhaqaaqyada ay ku doonayaan inay kula dagaalamaan Ururka …

30
0
SHARE

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, Haile Mariam Desalegn, ayaa lagu sheegay in Dowladda Ethiopia ay xiligaani ahmiyad gaar ah siineyso la dagaalanka Alqaacidada Somalia ee Alshabaab.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladda Ehiopia ay ka go’antahay inay maja-xaabiso waxa ay ugu yeereen ‘’Urur diimeedka’’ iyadoona dhanka kale Qoraalka lagu Tilmaamay in Beesha Caalamka ay mudan tahay inay u midoobaan La-dagaalanka Ururka si meesha looga saaro hadal heynta Kooxdaasi.

Haile Mariam Desalegn, Ra’isul-wasaaraha dalka Ethiopia, waxa uu sidoo kale Faahfaahin ka bixiyey Dadaalka Xukuumadiisa ee ku aadan sidii Nabad iyo Deganaansho loogu soo celin lahaa dalka Somalia.

Ra’isul-wasaaraha ayaa hadalkaasi kusoo bandhigay Qoraal xilli uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaqha Dalka Denmark,Holger Nielson, kaasi oo haatan booqanaya Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.

Sidoo kale, Waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay jirto Rajo ku aadan sidii loo sii xaqiijin lahaa Ammaanka dalka Somalia oo uu sheegay inay muhiim u tahay Nabadda Guud ee Mandiqadda Geeska Afrika iyo Caalamka oo dhan, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhanka kale, waxa uu Qoraalkiisa ku qeexay in Dowladiisu ay ku jirto dadaalkii ugu dambeeyay, balse ay Ciidamadiisu Beesha Caalamka ugu baahan yihiin taageero xoogan si loo dardar geliyo Dagaalladda lagula jiro Ururka Alqaacidada Somalia ee Alshabaab.

W/T. Weriye:- Anwar Bakhiit
Email: wararka@live.se

Leave a Reply