Wednesday, January 17th, 2018

RA’ISUL WASAARIHII HORE EE SOMALIA OO SHEEGAY IN AYSAN JIRIN CID MUQDISHO MARTI KU AH.

Published on December 23, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa si kulul uga hadlay hadalo la sheegay in ay kasoo yeereen qaar kamid ah Siyaasiiinta kasoo jeeda Beesha Hawiye.

 

Waxa uu sheegay Cali Geedi in aysan jirin cid marti loogu yahay magaalada Muqdisho, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in Siyaasiyiin sheegaan in Muqdisho dad gaar ah leeyihiin kuwa kalana marti ku yihiin.

 

”Siyaasiyiin fara badan ayaan arkay oo dhoor jeer ku hadaaqaya Muqdisho waa lakala leeyahay iyo marti ayaa lagu yahay, Muqdisho cid marti loo yahay ma jirto ,cid marti ahna ma jirto een yaan dadka lakala saarin,  ” Ayuu yiri Cali Geedi.

Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa is xijinaya Muqdisho in aysan dadka kala geyn sidoo kalke aysan kala saarin dadka Soomaaliyeed oo hal qoys ah.

 

”Waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta in aysan Soomaaliya kala geynin, Nin Siyaasi ahi ee raba in maamulka Qaranka xil ka qabto ama saameyn ku yeesho in Soomaalida lakala diro in uu ka shaqeeyo nasiib daro ayaan u arkaa, waxaana rajeenayaa in arimahan aysan soo noqon shacabka Soomaaliyeedna ka dhiidhiyaan” Ayuu yiri R/Wasaarihii hore ee Somalia.

 

Hadalka Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa kusoo aadaya xili Siyaasiyiin ku abtirsata magaalada Muqdisho ka dhawaajiyeen in Muqdisho lakala leeyahay Madaxda dalka qaarkoodna ay marti ku yihiin taa oo dad badan ka careesiisay

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK