Rajada dhabta ah ee umadda.(Maqaal)

    28
    0
    SHARE

    Umad waliba waxaa ay leedahay cid ay ku tashaneyso taasi oo ay aaminsantahay inay u sahleyso amaba u horseedeyso inay gaarsiiso yoolkeeda fog.

     

    Shucuubta caalamka oo heysta diimo kala duwan islamarkaana ay kala qeybiyaan dhaqamo soo jireen ah ayaa ka mideysan arinkan mana jirto umad iska socota oo aan lahayn hadaf ay tiigsaneyso.

     

    Wadanka Soomaaliya waxaa ku nool qeyb kamid ah shucuubta Muslimiinta ah kuwaasi oo ay daashadeen sanado musuq maasuq ah, qabaliyo, hogaan xumo iyo calmaaniyad aad u qoto dheer.

     

    Inkasta oo wadanka ay soo mareen dowlado iyo maamullo kala duwan hadana mudo dheer umadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ahi ma helin cid ay ku aamini karaan masiirkooda islamarkaana u qalabta inay ku hogaamiso wadada toosan si ay u gaaraan masaafada fog ee ay tiigsanayaan.

     

    Laakiin rajadii godka ku dhacday ee laga samray ayaa si lama filaan ah dib u soo laabatay sanadihii u dambeeyay kadib markii ay wadanka ka hana qaadeen Mujaahidiin Salafiyiin ah oo si aad ah uga dhiidhiyay wixii wadanka ka jiray.

     

    Dhaq dhaqaaqyadaasi Jihaadiga ah oo inta badan ku mashquulsanaa inay umadda ka dafciyaan cadow horor ah oo aan waxba reebaneyn kaasi oo ku soo duulay wadanka ayaa soo maray maraaxil kala duwan, ilaa laga soo gaaro xilligan oo ay hogaanka halganka iyo jihaadka ay horboodayaan Mujaahidiinta Xarakatu Shabaab Al Mujaahideen.

     

    Bulshada Soomaalida oo afkaaro kala duwan aaminsan islamarkaana la daalaadhacaya hagardaamooyinkii hore ee cadowga ayaa bilowgii hore ee soo bixitaankii Xarakada waxaa ay isku mari la`aayeen waxa Shabaabul Mujaahidiin ay kaga duwanyihiin kooxihii hore ee siyaasadda iyo maamulladii dalka soo maray.

     

    Laakiin kadib sanado halgan iyo jihad ah kadib, Xarakada ayaa ku faaftay dhul badan oo dadka jooga ay markii hore u arkayeen inay yihiin kuwo haya dariiqa kuwii hore.

     

    Faafitaankaasi juquraafiyadeed waxaa uu Xarakada u sahlay inay is fahmaan bulshooyin badan oo ku kala nool gobollada dalka intooda badan kuwaasi oo ay is dhexgaleen islamarkaana si aad ah isugu dheeraadeen.

     

    Wilaayaat ayaa wadanka laga hirgeliyay kuwaasi oo dadka u fududeeya inay xaaladahooda qaaska ah la socdaan islamarkaana qaadaan tallaabooyin ku aadan dhanka taakuleynta iyo ilaalinta amaanka dadka deegaanka, hantidooda iyo sharafkooda iyo weliba in lagu kala xukumo cadaalad hadii ay iyagu is dulmiyaan.

     

    Waxaa intaasi dheeraa sida Mujaahidiintu ay isugu xilqaameen inay cadowga ka hor istaagaan inuu sii wado dhibaateynta shacabka Muslimiinta rayidka ah ee ku nool wadanka kuwaasi oo mudo dheer beylah u ahaa dil, dhac, kufsi iyo dulmi xadka dhaafay.

     

    Tallaabooyinkaasi iyo kuwo kale oo farabadan ayaa shacabka hurdada ka kiciyay islamarkaana dareensiiyay cida walaalaha u ah ee ay ka go`antahay inay u gargaarto islamarkaana u horseedeyso inay gaaraan Yoolka oo ah Nolol sharaf iyo cizzi leh iyo raalli ahaanshada Allaah.

     

    Dadka qaba in Mujaahidiintu yihiin rajada dhabta ah ee umadda ma ahan oo kaliya kuwa ku nool wilaayaatka Islaamiga ah ee looga dhaqmo shareecada islaamka laakiin shacabka kale ee weli ay saarantahay heeryada dulmiga iyo gumeysiga ayaa ah kuwo farta qaniinaya iyagoo qiraya inay tabayaan nicmo aad u weyn oo ah la noolaanshaha Mujaahidiinta iyo Shareecada.

     

    Sidoo kale cadowga nuucyadiisa kala duwan ayaa naftooda u qiraya inay yihiin Mujaahidiintu kuwo leh hanaan maamul oo aad u wanaagsan iyo kala dambeyn iyagoo mararka qaar saxaafadda ka sheega in dadka ku dhaqan wilaayaatka Islaamiga ah yihiin kuwo horumaray oo aan iyagu is dulmin lana dulmin.

    Leave a Reply