Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa furay kulan howleedka Golaha Wasiirada ee qorshaha...

Raysalwasaare Cabdiweli Shiikh Axmed ayaa furay kulan howleedka Golaha Wasiirada ee qorshaha sanadka 2014

87
0
SHARE

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta furay kulan howleed labo cisho socon doona kaasoo Golaha Wasiirada ee Xukuumada si gaar ah uga wadatashan doonaan howlaha baaxada leh ee horyaala iyo sidii loogu fulin lahaa muhiimadaha ay kala leeyihiin, gaar ahaana qorshaha sanadka 2014-ka.

Cinwaanka kulanka ayaa ahaa “Hannaankii lagu shaqeyn lahaa, laguna gaari lahaa Soomaaliya oo nabad ah, is’aamintay, barwaaqo ah, dawladnimo wanaagna gaartay una adeegta danaha dadweynahaeeda”

Kulankan oo ka dhacay dhismaha Villa Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa, waxaana kulankan hadalo dardaaran iyo dhiiragelin ah ka jeediyay madaxda dawladda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada oo ugu horeyntii madasha ka hadlay ayaa xusay in kulankani uu muhiimad gaar ah u leeyahay howlqabadka xukuumada, wuxuuna xusay inay diirada ku saari doonaan arrimaha ku aadan sugida amniga iyo xasilinta dalka, kobcinta dhaqaalaha, horumarinta adeegyadda daweynaha tuulo, gobol illaa degmo, iyo gaarsiinta dalka ee doorashooyin xor ah.

Sidoo kale, guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa kula dardaarmay xubnaha golaha Wasiiradu inay wada shaqeyn dhow la yeeshaan golaha baarlamaanka si loo helo kalsooni dhex marta goleyaasha Fulinta iyo sharcidejinta.

IMG_2493IMG_2511IMG_2526IMG_2531IMG_2538

 

Leave a Reply