Reysalwasaarihii Labaad ee soomaliya Cabdirisaq Xaaji Xuseyn oo ku geeriyooday Dalka Mareykan

Reysalwasaarihii Labaad ee soomaliya Cabdirisaq Xaaji Xuseyn oo ku geeriyooday Dalka Mareykan

30
0
SHARE

Reysal wasaarihii labaad ee Soomaaliya Cabdirisaaq xaaji Xuseyn ayaa xalay waxa uu ku geeriyooday Dalka mareykan, Alla how naxariistee waxa uu u geeriyooday Cudur kaga dhacay wadnaha kaasi uu sababay in ugu dambeyntii ugu geeriyooday.

Cabdirisaaq xuseyn ayaa ahaa nin ka soo qeyb qaatay gobonimo doonkii Soomaaaliya iyo ladagaalankii gumeystihii Dalyaaniga waxaana qaraabadiisu sheegtay in ay cudurkan ku dhacay sabab u aheyd jirdil uu gumeystihii Dalyaanigu u geystay.

Reysalwasaare cabdirisaaq xaaji oo xilka hayay intii u dhexeyday sanadii 1964 ilaa 1967 ayaa lagu xasuustaa in uu ka soo horjeestay sanadii 2006 soo galistii cadanka itoobiya ay dalka soomaaliya soo galeen, iyo sidoo kale in uu ka soo horjeeday Fadaraalka waxaana uu ku tilmaamay in uu yahay qabyaaladeysi

Reysalwasaaraha ayaa waxa uu ku geeriyooday sanad sagaashamaad, alaa hanu naxariiste waxaa maanta la go’aamin doonaa halka lagu duugi doono.

 

 

Leave a Reply