R/wasaare C/weli”Kenya Kismaayo kama wada bixi doonto.

R/wasaare C/weli”Kenya Kismaayo kama wada bixi doonto.

23
0
SHARE

R/wasaaraha Xukumadda Somalia C/weli sh,Axmed Max’ed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheeegay in ciidanka Dowlada Kenya ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka jubbada hoose aysan ka wada bixi doonin Magaaladaasi.

Waxa uu tilmaamay in ciidanka Kenya qeyb kamida ay ka howlgali donaan gobolka Gedo iyaga oo gacan ka helaya ciidanka Dowlada Federaalka Somalia ee gobolkaasi ku sugan taas oo uu sheegay in lagu doonayo in sanadkaan gudihiisa gabi ahaanba gobolkaas looga saaro Xarakada Al shabaab.

Warkaan kasoo baxay R/wasaaraha ayaa imaanaya xili dhawaan warar soo baxayay ay sheegayeen in ciidanka Kenya laga soo badali doono Kismaayo laguna wareejion doono howlgalka gedo ka socda iyadoona taas ay gashaanka ku dhifteen sarakiisha ciidanka Dowlada ee Gedo ku sugan.

Leave a Reply