Thursday, February 22nd, 2018

SAFIIRKA TURGIYA IYO GUDOOMIYAHA CUSUB EE GOBOLKA BANAADIR YARIISOW OO KULMAY MEY KA WQADA TASHADEEN?

Published on January 28, 2018 by   ·   No Comments

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Amb. Olgan Bekar, kulankan ayaa ka dhacay Xarunta Safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Amb. Olgan Bekar ayaa ugu hambalyeeyay Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Eng. Yariisow magacaabidiisa, isagoo sheegay in Turkiga uu xiriir aad u xooggan kala dhaxeeyo dowladda Hoose ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay inay ka wada hadleen baahiyaha dadka Muqdisho, iyadoo Turkiga uu ka mid tahay taageeraha ugu weyn ee dowladda Soomaaliya, horayna mashaariic horumarineed ka fuliyay Muqdisho, sida dhismaha waddooyinka, xarumo caafimaad iyo kuwo waxbarasho.

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kulanka Safiirka, isagoo xusay inay dardar gelin doonaan xiriirka wadashaqeyneyd ee u dhaxeeya Safaaradda Turkiga iyo Gobolka Banaadir.

21-kii bishan ayay aheyd markii C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) loo magacaabay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, iyadoo xilkaas laga qaaday Guddoomiyihii hore Taabit cabdi Maxamed oo xilkan hayay sagaal bilood.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK