Friday, December 15th, 2017

SARAAKIIL KA TIRSAN AMISOM OO ZAMBIA UGU QEYB GALAYO SHIR LOOGA HADLAYO NABADDA

Published on December 6, 2017 by   ·   No Comments

Madax ka tirsan howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa Magaalada Lusaka ee xarunta Dalka Zambia uga qeyb galaya kulan looga hadlayo amniga iyo Nabadda.

 

Shirka oo diirada lagu saarayo caqabadaha dhinaca Amniga ee Qarada Afrika ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka socota Midowga Afrika oo uu horkacayo gudoomiyaha gudiga amniga iyo Nabad gelya Ururkaasi Smail Chergui.

 

Ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo oo kulankaasi ka qeyb galaya ayaa sheegay in howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ay door weyn ka qaateen dagaalka lagula jiro Xarakada Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

 

Waxaana uu intaasi ku daray in Ciidamada AMISOM ay wax badan ka qabteen dhinaca deganaanshaha Soomaaliya oo muddo dheer ay ka jirtay colaad xoogan.

 

Mr Simon Mulongo ayaa madaxdii ka socotay Midowga Afrika ee shirkaasi ka qeyb galaysay u sheegay in howlgalka AMISOM ay taageero buuxda siiyeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyagoo si wadajir ah u fuliyay howlgallo Al Shabaab looga qabsaday deegaano ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Ku xigeen wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xusay in Ciidamada AMISOM ay wadaan qorshe ay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ugu wareejinayan mas’uuliyadda amniga Dalka kadib marka AMISOM ay ka baxdo Soomaaliya

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK