Shaarka cusub ee Itoobiya gashatay ma yahay mid ka gadmaya umadda Soomaaliyeed?

Shaarka cusub ee Itoobiya gashatay ma yahay mid ka gadmaya umadda Soomaaliyeed?

32
0
SHARE

Wadanka Soomaaliya oo sanado badan uu ka socday dagaal halgan jihaad ah oo looga soo horjeedo shisheeyaha kala ahdaafta duwan ee soo duulay, ayaa hadda u muuqda in weli dhiigu sii qul quli doono kadib isbadallo soo ifbaxaya.

 

Horay wadanka waxaa u joogay ciidamo shisheeye oo ka socda dalalka Kenya, Burundi, Uganda, Sierraleon, Djibouti oo wata magaca Amisom iyo cutubyo ka tirsan ciidanka militariga Itoobiya kuwaasi oo weligoodba aan lugta kala bixin wadanka balse danahooda gaarka ah u joogay iyagoo aan hoos joogin taliska Amisom.

 

Itoobiya oo damac fog ka leh Soomaaliya ayaa dhowr jeer isku dayday inay qabato hogaanka ciidamada shisheeye ee jooga Soomaaliya ee Amisom si ay ugu gaarto danaheeda gurracan islamarkaana ugu dhaqaaleysato ciidamadeeda, laakiin arinkaasi ayaa la isku fahmiwaayay.

 

Baydhabo oo ah magaalo muhiim ah ayaa Itoobiyaanku faarujiyeen si ay u muujiyeen kaalintooda ciidan iyo inaan laga maarmin, markaasi oo taliska Amisom uu ku qasbanaaday inuu wax uun u ogolaado Itoobiya oo loo arko inay tahay awoodda kaliya ee looga tashanayo in lagu qabsado wadanka.

 

Wadahadallo ay garwadeen ka yihiin reer galbeedka iyo Yuhuudda oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya iyo Kenya ayaa ugu dambeyn lagu aqbalay in Itoobiya ay qeyb ka noqoto howlgalka gumaysiga ah iyada oo qaadaneysa magaca Amisom, waxaana lagu qanciyay inay qaadato gobollada Gedo, Bay iyo Bakool iyo weliba Hiiraan oo ay kaalin muhiim ah ku yeelan doonto.

 

Tallaabadaasi oo muujineysa inay Itoobiya gashay gor gortan adag ayaa ka dhigan tabar darro dhan walba ah oo heysata ciidamada shisheeye iyo sida ay qaati kaga taaganyihiin inay horay u sii wadaan dagaalka.

 

Ciidamada Itoobiya oo jab iyo halaag horaan kala kulmay Soomaaliya ayaa hadda wata shaatiga Amisom iyo calaamadda Cagaarka iyo Cadaanka ka kooban ee Amisom, taasi oo ka dhigan ninkii ku dhaawacay haku dhayo!!!

 

Si kastaba ha  ahaatee umadda Soomaaliyeed oo dagaal facweyn kula jirta shisheeyaha gaar ahaan ciidamada gumaysiga Itoobiya ayaa isha ku heysa mu`aamaradda  cusub ee la soo maleegay waxaana isbadalay dhamaanba shucuurta iyo dareenka dadka iyagoo isha ku haya sida ay hadba wax u soconayaan.

 

Shacabka Soomaaliyeed oo horay u diidanaa shisheeyaha islamarkaana kula jiray dagaal ayaa Itoobiya u arka inaanay xitaa ka mid noqon karin waxa lagu sheego Amisom marka la eego sharciyadda dalalka qaar waayo Itoobiya horay ayay Soomaaliya dhul kaga heysatay, dadkeeda ayay gumaaday hadana waa gumaysi cusub.

Leave a Reply