Shabeelada Hoose oo saakay baarbuurtii Shacabku

    36
    0
    SHARE

    Gaaadiidka ka shaqeeya Gobolka Dulman ee Shabeelada Hoose ayaa maanta gabi ahaanba aan shaqeyneyn, sababo isbaarooyin aad u farabadan oo ay ciidanka dowladu soo dhigteen gobolka.

    Maamulka sh/hoose ayaa horay u sheegay in ay qaadeen isbaarooyinkii halkaasi yeelay, hasa yeeshee waxaa maalmihii lasoo dhaafay soo kordhay isbaarooyinka gudaha gobolkaasi lasoo dhigayay.

    midka mid ah darawalada Gaadiidka ka shaqeeya Gobolka shabeelada hoose ayaa saakay inoo xaqiijiyay in ay gabi ahaanba shaqa joojin ku dhaqaaqeen sababo ay ku sheegeen isbaarooyin xad dhaaf ah oo ay ciidanka dowladu halkaasi soo dhigeen.

    Guddoomiyaha Guddiga Iskaashatooyinka Gaadiidleeyda Daahir Maxamuud Dirir ayaa sheegay in shaqadii gaadiidleyda ay joojiyeen, waxaana taasi uu ku sababeeyay kororka isbaarooyinka xad dhaafka ah ee Dowladda Soomaaliya aysan waxba ka qaban.

    Wuxuu sheegay in Darawalada handadaad iyo jirdil loogu geysto maalin waliba wadada, arintaasina ay ka dambeeyaan rag qoryo wato oo tuutaha ciidanka soo gashtay, inkastoo uusan kala tilmaamin in ciidanka Dowladda ay yihiin iyo inay yihiin rag hubaysan.

    Waxaa Saakay gabi ahaan aan shaqeeneyn Wax gaadiid BL ah inta u dhaxeysa Magaalada Muqdisho iyo Afgooye waxa ayna shaqo joojintan ay sameeyeen Gaadiidleyda ay saameyn badan ku yeelatay dadweyne aad u fara badan ..

    Leave a Reply