Shan Siyaabood Oo Loo Qurxiyo Lugaha

    57
    0
    SHARE

    Sidaan Samee si ay cagahaagu u noqdaan kuwo qurux badan ayaa waxa aad samaynaysaa lixdan arimood.

    1 – Lugaha ugu qabee baaf
    Waa in aad  si joogta ah u dhaqdaa cagagahaaga xiliga kulaylka ee xagaaga. Ku shubo biyo cusbo ama saabuun leh baaf oo dhex gali cagaha, kuna dhaaf ilaa 10 daqiiqo.

    2 – Qalaji cagaha
    Waxa muhiiim ah in aad cagaha qalajiso marka aad dhaqdo, waliba ha ilaabin in aad faraha dhexdooda qalajiso.

    3 – Cidiyaha
    Mar hadii lagu jiro xili la xiran yahay sandaal ayaa cagahaagu ahaanayaan kuwa markasta debada yaala, markaa waxa haboon in aad si qurux badan u goyso cidiyaha, ku jar maqaska cidiyaha, si toos ah u jar oo ka dibna xoq.

    quruxda qurbaha4 – Xoq cagaha
    Xoq hilibka ku ag yaala cidiyaha si aad uga qaado maqaarka qalaylka ah iyo ka gaboobay si ay meeshaasi u noqoto mid jilicsan. Xataa waxa kale oo aad xoqdaa meelaha kale ee ka mid ah cagta gudheeda ee adag.

    5 – Kareem mari cagaha
    Cagaha mari kareemka cagahaee jilcinaya. Hadii ay caguhu ku dildilaacaan ama safan kaa gasho ayaa waxa aad soo iibsan kartaa kareem hoos u dhigaya dildilaaca.

    Leave a Reply