SHEEKO XAMAR 2020 Q1-aad

SHEEKO XAMAR 2020 Q1-aad

58
0
SHARE

Akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran bigga Warkii.com, waxaan u soo gudbineynaa Sheeko la baxday XAMAR 2020

Sheekada  Q1aad ayaa siddan ku billaabaneysa meesha waa muqdisho gaar ahaan isgoyska cariiriga badan ee KM4xiligi waa tobankii subaxnimo, bac .. bac .. bagagac .. bush .. bush .. bush .. xabad ayaa hal mar oodda laga qaaday.

Mar qur ah ayey dadkii kala yaaceen qaarna dhulka ayey isku tuureen, waxaa isku dhacay gawaari badan oo wada yaashii waday mid walba naftiisa la baxsanayay …

Xabadahii waa istaageen qofwaliba waxuu bilaabay in uu ogaado sida ay wax u dhaceen, darwaliinta baarbbur isku dhacday mid waliba waa uu soo degey, meel ku aaddan albaabka shineema Equator waxaa yaalo gaari yar oo nooca raaxada ah midabkiisuna yahay caddaan oo ku dhacay gaari kale mini bus ah, gaariga yar waxaa dhexjiifa darwalkii oo meyd ah xabada badana wajiga iyo xabadka ka haleeleen, gaarigana dhamaan muraayadahiisu waa ay daateen rasaastii lagu furay awgeed ….

Daqiiqada yar kadib waxa goobta soo istaagay ciidama boolis ah oo kayimid xarunta dambi baarista C.I.D oo ku taalo meel talaabooyin u jirto isgoyska KM4, isla markiiba waxa ay xireen goobtii shilka ka dhacay bilaabayna in su’aalo weydiiyaan dadkii meesha ka dhawaan, inkastoo la waayay cid sheegto waxa dhacay qof walibana dhaafin waayay in uu xabadaha maqlay kadibna gabbasho bilaabay, markii xabaduhu istaageenna arkeen ninkan meydka ah oo baaburkiisa dhex jiifa …

Gaarigii iyo meydkii saarnaaba waxa loo qaaday xarunta CID si loo baaro waxa meesha ka dhacay, cidda dilka geysatay, iyo cidda uu yahay qofkan geeriyooday, booliska dambi baarista waqtiba iskama luminine markiiba waxa loom xil saaray kiiska sargaal lagu magacaabo Dhiirane iyo gacan yarayaashiisa Cabdi yare iyo Madey, iyagoo bilaabay in ay baaraan jeebabka qofkii meydka ahaa waxyaalahii laga helay ayaa waxa kamid ahaa aqoonsigiisa shaqsiga ah, aqoonsiga shaqo iyo kaarar kala duwan, taasoo fududeysay in markiiba heybtiisa la aqoonsado …

Sargaal Dhiirane waxa go’aansaday in uu la xariiro qoyska ninkan la dilay, Madeyna waxa uu ka dalbaday in uu soo aruuriyo wax kasto oo taariikhda marxuumkan ku saabsan, si loo ogaado waxa uu ka shaqeynayay iyo dadka ay wada xariiri jireen, halka Cabdi yare loo diray in ku laabto halkii shilka ka dhacay soona raadiyo wax kasta oo gacan ka geysan karo furfuridda kiiskan … dhiiq … dhiiq … waa gambaleelka guriga reer Macalin Cali, Safiyo (xaaskii Marxuumka) oo inan yar sinta ku sidato: yaa waayo?!

Dhiirane: magaceygu waa Dhiirane waxaan ahay Sargaal katirsan Xarunta CID, Safiyo: maxaa daran?! Dhiirane: sow gurigii Xuseen Macalin Cali ma ahan? Safiyo: Haa! ee e… maxaa …?

Dhiirane: Adigu ma xaaskiisibaa tahay?!

Safiyo oo naxsan marna shakisan: haa maxaa dhacay? maxaad ka rabtaan? yaa dacweynayo?!

Dhiirane: exexem … aaa..xxa waxii jira waan kuu sheegayaaye waxaan kaa codsan lahaa inaad noo raacdid xarunta CID !!

Safiyo: CID aa?! ma Xuseenaa xiran? oo maxaa loo xirtay? Dhiirane: oo garan la’ meel uu ka bilaabo arintuna jiq ku noqotay ayaa is geesinimo galiyay oo yiri Xuseen Allaha u naxariisto!! Safiyo: ma dhintay?! yaa dilay Alla ba’ayey ….. Maadey oo loo diray in uu soo baaro xogta shaqsi ee marxuumka ayaa waxa uu soo bandhigay xogtan kooban:

“Xuseen Macalin Cali waa Muwaadin Soomaali ah da’diisu waa 33 sano jir, Xaasle wiil hal sano jir ah iyo gabar sadax sano jir ah dhalay, waa ganacsade qandaraasle ah, shiriko la ah laba nin oo kale, horay uma gelin wax danbi ah oo loo diiwaan galiyay”

Leave a Reply