Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Hawada Ka Maqan Gobalada Jubbooyinka..

Shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo Hawada Ka Maqan Gobalada Jubbooyinka..

33
0
SHARE

Wararka Naga soo gaaraya Gobalka Jubbooyinka ayaa ku waramaya in hawada laga saaray shirkada Isgaarsiinta Hormuud oo kamid ah shirkadaha kahana qaaday Koonfurta Soomaaliya.

Magaalooyinka Jubbada Hoose iyo Jubada Dhexe ayaa Lagu soo waramaya in maanta aysan shaqeyneynin Shirkadda Hormuud  Isgaarsiinteeda sida moobeelada iyo Leen leenka.

Lama oga sababta ka danbeysa in Hormuud ay hakiso adeegii ay siin jirtay shacabka ku dhaqan wilaayada islaamiga ah ee Jubbooyinka.

Hormuud ayaa damisay qalabkeedii isgaarsiineed waxaana go’an qadadka Moobeelada iyo Leenleenka Magaalooyinka iyo dhulka Miyiga ee ay gaari jirtay Hormuud.

ma jirto wax warar ah oo ka saoo baxay madaxda Shirkada isgaarsiinta Hormuud ee ku aadan adeega hawada ay ka saareen.

Wixii warar dheeraad ah ee soo kordha wararkeena ayaad kula socon doontaan inshaa allaah.

Leave a Reply