Shirkadaha Isgaarsiinta Oo Adeegga Intarnetka Ka Joojiyay Deegaannada Ay Maamulaan Shabaab

    41
    0
    SHARE

    Shirkadaha Isgaarsiinta ee bixiya Adeegga Internet-ka Mobiles-ka ee 3G ayaa ka joojiyay Adeegaasi Deegaannada ay Maamulaan Kooxda Al-Shabaab. Kadib markii ay sidaas amartay Kooxdu.

    Shirkadaha isgaarsiinta ayaa qaatay amarkii kooxda argagixisada Shabaab ay soo saareen Lixdii Bishan kaas oo ay ku mamnuucayeen adeegga Intarnetla ee 3G iyo Fayber Obtiga, waxaana la xaqiijiyay in adeegga Intarnetka hadda uusan ka shaqeyneynin deegaannada ay weli dalka kaga harsanyihiin.

    Arrintan ayaa waxaa cabasho xoog leh ka muujiyay dadka isticmaala adeegga Intarnetka ee ku sugan deegaannada ay argagixisadu dalka ka joogaan, waxeyna ka codsadeen dowlada iney  si deg deg ah uga dulqaado haraadiga kooxda Shabaab.

    Amarkan ay Shabaab ku mamnuuceen adeegsiga Intarnetka ayaa muujineysa taagdaridda soo wajahday kooxda,  baqdinta iyo welwelka ay horjoogayaashoodu ka qabaan duqeymo dhinaca hawada ah oo lagu qaarijiyo.

    Leave a Reply