SIR FAKATAY: Madaxweyne Xasan Sheekh “Aniga ayaa amray doqeyntii Baraawe

SIR FAKATAY: Madaxweyne Xasan Sheekh “Aniga ayaa amray doqeyntii Baraawe

40
0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa la hadlay Idaacadda Faransiiska ee RFI.

Wuxuu soo dhaweeyay weerarrada diyaaradaha ee Maraykanka uu ka fuliyo goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ee koonfurta Somalia.

Madaxweynaha wuxuu caddeeyay dowladdiisa in ay oggolaatay Maraykanku in uu weerarro dhinaca cirka in uu ka fuliyo Soomaaliya.

Wuxuu kaloo sheegay in ay soo dhaweenayaan in la baab’iyo Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida. Madaxweynaha ayaa tilmaamay Al-Shabaab in ay yihiin koox Soomaaliya kaliye aan khatar ku ahayn ee caalamka oo dhan dhibaato ku haya.

Si kastaba, inta badan wadamadda ay duqeynta ka qeystaan diyaaradaha drones-ka Mareykanka sida Afganistan iyo Pakistan dowladahoodu sooma dhaweeyaan oo waxayna sheegaan in duqeeymaha qaar ay dad rayid ah ku dhintaan. Laakin Soomaaliya mar walba duqeymaha Mareykanka ama Kenya wey soo dhaweeyaan

Leave a Reply