Sirdoonka AHLU-SUNNA oo mas,uul ka ahaa ajaaniib laga laayey Al-Shabaab

    29
    0
    SHARE

    Ka hor intii Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) aysan weerar cirka ah ku qaadin xerada tababarka al-Shabaab ee u dhaw Garbahaaray ee gobalka Gedo ee Soomaaliya markay taariikhdu ahayd January 9-keedii, ayaa madaxda Ahlu Sunnah wal Jamaaca (ASWJ) waxa ay Kenyanka ku wargaliyeen in madaxda al-Shabaab ay ku kulmayaan tuulada Birta Dheer, oo qiyaastii 18 kiiloomitir koonfurta kaga aadan magaalada.

    “Waxaan u sheegnay in in ninka al-Shabaab ugu sareeya Axmed Godane, uu goobtaas joogo,” Maxamed Xuseen al-Qaadi, oo ah afhayeenka kooxdan dawlada jaalka la ah ee ASWJ oo gacanta ku haysa qayb ka mid ah gobalka Gedo oo ay ku jirto Garbahaaray ayaa sidaas sheegay. “Weerarkaas cirka ah wuxuu ka dhashay iskaashi labada dhinac ah, laakiinse nasiib daro ninka ugu sareeya ee aan rabnay in la dilo wuu baxsaday. Si kasta aha ahaatee, madax sare oo al-SHabaab ah oo isaga muhiim u ahaa ayaa la dilay, waxanan ka shaqaynaynaa in aan magacayadooda oo dhamaystiran helno.”

    Al-Qaadi ayaa sadexda nin ee la dilay ku sheegay in ay yihiin Zakur Bin Khalid, Abdi Malik iyo Ubeyda — oo kuligood carab asalkoodu yahay. Ninka afraad ee la dilay, oo ah Cabdiraxmaan Xalane, ayaa la rumyasna yahay in uu Soomaali yahay ahaana madaxa al-Shabaab ee Birta Dheer, ayuu yidhi.

    Weerarkaas cirka ayaa dilay ugu yaraan 30 ka tirsan xag-jiriinta al-Shabaab, ciidamada ammaanka ayaa wali sugaya magacyadooda iyo haybtooda, ayuu yidhi.

    Al-Qaadi ayaa sheegay in qof shacab ah uusan hawlgalkaas waxba ku noqonin, dhamaan kuwii la dilayna ay ahaayeen al-Shabaab. Weerarkaas ayaa la qaaday 1-dii duhurnimo wuxuuna socday ilaa 20 daqiiqo, ayuu yidhi.

    “Waxaan rumaysanahay in cadawga kaliya, oo halkaas shir muhiim ah ku qabanay, halkaas lagu baabi’yay,” ayuu yidhi.

    “Waxaan ka oganaay ilo ka madax banaan [al-Shabaab] in [Axmed Godane] uu shirkaas joogay,” ayuu al-Qaadi ku daray hadalka. “Wuxuu ahaa bartilmaameedkeena ugu wayn hawlgalkan, laakiinse nasiib daro, Godane goobta weerarka ayuu ka baxsaday 15 daqiiqo ka hor intii uusan weerarku dhicin.”

    Shacabka Garbahaaray oo soo dhaweeyay weerarka KDF

    Sahra Axmed oo 35 jir ah, ahna hooyo sideed caruur ah leh deggana Garbahaaray, ayaa sheegtay in shacabku uu soo dhawaynayo weerarkii cirka ee sababay dhimashada madaxda sare ee al-Shabaab.

    “Waxaan isla markiiba maqalay guuxa diyaarado duulimaad hoose ku socda kadibna maqalnay xabado badan oo la ridayo, laakiinse ma anaan garanaynin goobta saxda ah ee weerarkaasi ahaa,” ayay sheegtay. “Saacad ka dib, ayaan waxaan maqalay in weerarku uu ku wajahnaa rag ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo ku dhaxjiray in ay dagaallo ka abuuraan tuulada Birta Dheer.”

    “Aad ayaan u farxay markii aan maqlay in khasaare wayn soo gaadhay iyo in madax sare oo al-Shabaab ah la dilay sababta oo ah al-Shabaab dhibaatooyin badan ayay noo gaysteen,” ayaa tidhi Sahra.

    Sahra ayaa sheegtay in weerarka cirka ee KDF ahaa arrin aad loo hadal hayay dhawr maalmood magaalada Garbahaaray, laakiinse waxay sidoo kale sheegtay in dadka maxaliga ah aysan arag qof dhaawac ah ama qof dhintay oo al-Shabaab ka tirsan.

    “Al-Shabaab ayaan rabin in uu qofna arko khasaarahooda, sidaas darteed xubnahooda dhinta meel alla meesha lagu dilo ayay ku aasaan,” ayay tidhi. “Waxay kale oo ay israaciyaan qofkii si xun u dhaawacma. Qofka gacmahooda ayay ku dilaan si aan loo ogaanin khasaarahooda. Kooxdani waa kuwo aan la dhihi karin waxay haystaan diinta Islaamka.”

    Salaad Cali oo 59 jir ah oo ka soo jeeda Garbahaaray, ayaa sheegay in duqayda maxalligu ay soo dhawaynayaan waararkan cirka ee al-Shabaab ka dhanka ah.

    “Waan maqlay weerarka ay ku dhinteen saraakiisa al-Shabaab, waanan soo dhawaynaynaa dagaalka lagula jiro argagixisada,” ayuu yiri.

    “Markii aan maqlay guuxa ka imaanaya duqeeynta diyaaradaha, ayaan isla markiiba waxaan ogaaday in dagaalka lagula jiro al-Shabaab uusan ahayn mid yar,” ayuu yidhi. “Waxaan dhihi karaa, hawlgalkan wuxuu ahaa in la qaado mar hore. Waxaan ka codsanayaa qof walba oo diyaar u ah in uu al-Shabaab ka takhaluso in uu weeraro noocan oo kale ah laban laabo.”

    Maxamed Xasan oo 61 jir ah, isagana dagan Garbahaaray, ayaa sheegay in uu aad u jeclaan lahaa hadii Godane lagu dilo weerarka cirka.

    “Madaxa ayaa i xanuunay markii aan maqlay inninka ugu sharka badan al-Shabaab ee Axmed Godane, uu weerarkii ka baxsaday,” ayuu sheegay. “Al-Shabaab kama istaagayaan in ay dhibaato u gaystaan shacabka [Soomaaliya] iyo waddamada dariska ah haddii aan ninkaas la dilin. Dadaal kasta waa in loo galo sidii ninkaas lagu dili lahaa, shacabkuna waa in ay mar walba soo sheegaan wixii war ah oo ay ka helaan.”

    Leave a Reply