Wednesday, January 17th, 2018

SOMALIA OOAY  GUUL CUSUB U SOO HOOYATAY IYO WAQTIGA AY MAAMULKA HAWADEEDA LA WAREEGEYSO OO LA SHAACIYAY.

Published on December 23, 2017 by   ·   No Comments

Wasiirka Duulista iyo Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo Sheegay in uu Soo dhawaaday Waqtigii Soomaaliya lagu soo wareejin lahaa Maamulka Hawada Dalka.

 

28-ka bishaan December ayuu sheegay Wasiir Oomar in ay dhaceyso Xafladda Soomaaliya loogu soo wareejinayo Maamulka Hawada, Maalintaasine waxa uu tilmaamay in ay dhaceyso Xafladda qaabka loogu soo gacan gelinayo sida uu hadalka u dhigay.

Xorriyadda Dalka ayuu sheegay in ay la mid tahay in Soomaaliya Maamusho Maamulka Hawada, La’aanteedane ay muujineyso in aysan jirin Xorriyadda Dhaq-dhaqaaqa Dalka sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) intaa kusii daray in Muddo Soomaaliya ay u xusulo duubeysay sidii ay ula wareegi laheyd Maamulka Hawada Soomaaliya, oo tan iyo Bur-burkii laga maamulaye Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka kenya.

 

 

 

Inta ka dhiman Sanadkaan sii dhamaanaya 2017-ka ayuu ku eg yahay Muddo Ballameedkii ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Maamulka Hay’adda Duulista Qaramada Midoobe u qaabilsan ee ICAO, sidaa awgeedne waxa uu tibaaxay in Soomaaliya ay isku diyaarisay la wareegidda Maamulka Hawada.

 

Nidaamka Hawada Dalka lagu soo wareejinayo ayaa soo bilawday sanadkii 2014-kii, tan iyo Xiligaasi waxaa socday kulamo ay yeelanayeen Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka iyo Madaxda Hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan Duulimaadka  Qorshuhuna waxa uu ahaa in Soomaaliya loosoo celiyo Maamulka Hawada.

 

Bisha Soo socota Janaayo ee bilawga u ah Sanadka 2018-ka Dowladda Soomaaliya ayaa Rajada ugu weyn ka qabta Maamulka Hawada, waxayna Qaramada Midoobe ku kontorooli kartaa Soomaaliya sida ay wax u maamusho.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK