Somaliland oo Maxkamad soo taagtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo heshiis ay...

Somaliland oo Maxkamad soo taagtay sarkaal ka tirsanaa Al-shabaab iyo heshiis ay kala saxiixdeen D/Somaliya iyo D/Itoobitya

47
0
SHARE

Xukumadda maamulka Somaliland ayaa shalay maxkamad horkeentay nin ay sheegeen inuu yahay sarkaal horay uga tirsanaa dagaalyahanada Al-shabaab, kaas oo lagu magacaabo C/laahi Axmed Carabey oo laba cisho ka hor ciidamada Somaliland iyo sirdoon ajaanibta ee ku sugan Somaliland oo is garabsanaya ay qabteen tuulada Xidhxidh ee degaanka Sool.

C/laahi Carabey ayaa maxkamadda Hargeysa shalay horteeda ka qirtay inuu 2009-kii ku biiray Alshabaab balse uu markiiba ka baxay, wuxuu kaloo Carabey ku dooday inuu muddooyinkii dambe Xamar ku noolaa hase yeeshee uu muddo shan bilood ka hor uu u soo guuray tuulada Xidhxidh ee laga soo qabtay, isku soo wada duuboo xeerilaalinta Somaliland ayaa ku eedaysay Carabey inuu ka tirsanyahay Al-shabaab, waxaana dib loo dhigay maxkamadeyntiisa si marqaatiyaal loogu raadiyo inuu hadda ka mid yahay Al-shababaab iyo in kale, maadaama uu ku dooday inuu mar-hore ka baxay.

Dhinaca kale waxaa heshiis dhanka amiga ah kala saxiixday wasiirada gaashindhigga iyo taliyeyaasha ciidamada Itoobiya iyo dowladda Soomaaliya kuwaas oo ku heshiiyey inay iska kaashanaadan sugidda ammaanka labada dhinac iyo iska warheynta ciidamada sirta ee labada dhinac ah sida lagu sheegay war ka soo baxay Somaliland.

Sidoo kale heshiiska waxa uu wax aad u weyn uu ka tari doonaa ayey tiri Somaliland inay labada dhinac iska kaashadaan sidii ay iskaga caawini-lahayeen ugana hortagi lahaayeen kooxaha weerarka ku ah horumarka iyo xasiloonidooda, heshiiskan markii uu dhacayey waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad deegaameedka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiiro ka  tirsan maamulka Somaliland.

Heshiiska waxaa Somalia u saxeexay wasiirka gaashaandhiga Mudane Gen. Maxamed Sheekh Xasan iyo Siraj Fageysaa oo ah wasiirka difaaca ee dalka Itoooiya waxa uuna ku dhamaaday is fahan aad u sareeya oo raaligaliyey labada dhincba.

 

Leave a Reply