Soomaali ka qaxday Syria oo ku sugan Turkiga oo cabanaya. (Sawirro)

Soomaali ka qaxday Syria oo ku sugan Turkiga oo cabanaya. (Sawirro)

30
0
SHARE

Dadka Soomaalida waxay sanadihii dagaallada sokeeye ilaa laga soo gaaro xilligii sanadkii 2006 ku guda jireen barakac iyo qaxooti sababay inay kala aadaan dunida dacaladeeda.

 

Syria waxaa ay ka mid ahayd dalal dhowr ah oo ay Soomaalida ugu badani ku qaxeen marka laga soo tago dalalka Yurub iyo Mareykanka.

 

Hadaba Qaxootigaasi ayaa mar labaad ka qaxay Syria kadib markii wadankaasi ay ka soo cusboonaadeen dagaallo u dhexeeya xoogag isbadal doon ah iyo dowladda nidaamka Nuseyriga ah ee Bishaar Alasad.

 

Waxaa ay u baqooleen wadanka Turkiga intooda badan oo xuduud la leh Syria waxaana hadda jira dad wadankaasi ku sugan kuwaasi oo aan helin qaabilaad wanaagsan, marka laga reebo buun buunin ay u sameysay dowladda Turkiga oo dooneysa inay kasbato quluubta dadka Soomaaliyeed oo ay siyaasadda wadankooda hadda ku sii lug yeelaneyso.

 

Qaar kamid ah waalidiin ay wareysi la yeelatay wakaaladda Turkiga wararka u faafisa ee Anadolu ayaa sheegay inaanay weli dowladda Turkiga ka helin caawimaad la taaban karo marka la eego dhanka waxyaabaha nolosha aas aasiga u ah sida hoy, cunto iyo biyo wanaagsan iyo waxbarasho ay u helaan caruurtooda.

 

Hadaba wakaaladda wararka u faafisa wadanka Turkiga ee Anadolu News Agency ayaa soo daabacday qaar kamid ah qaxootiga Soomaalida ee ku barakacay wadankaasi kuwaasi oo weli u muuqda kuwo aan saldhigan.

ana2ana3ana6ana7 ana10 ana8ana5

Leave a Reply