Switzerland oo Dan-jire cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

Switzerland oo Dan-jire cusub usoo magacaabatay Soomaaliya

17
0
SHARE

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Switzerland, ayaa lagu sheegay in Dominik Langenbacher uu yahay safiirka cusub ee Switzerland u joogi doona Soomaaliya.

Dan-jire Dominik Langenbacher, ayaa markii la magacaabay Kulankiisi ugu horeeyay Magaalada Zurich ee Caasimada dalkaas kula qaatay Qurba-joogta Soomaaliyeed ee halkaas ku nool.

Dan-jire Langenbacher, ayaa dhankiisa ka warbixiyey qorshe-howleedkiisa mustaqbalka dhow iyo weliba arrimaha uu doonayo inuu kala hadlo madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya marka uu maalmo kaddib soo gaaro caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qodobbada uu carrabku dhiftay waxaa kamid ahaa: xoojinta nidaamka federalism-ka, dhismaha goleyaasha dhaqanka iyo guurtida; la-dagaalanka argagixisada iyo weliba xoojinta  xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Leave a Reply