TAARIIKHDA: Ra’isal wasaare hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Mareykanka

TAARIIKHDA: Ra’isal wasaare hore C/risaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Mareykanka

20
0
SHARE

Wararka ka imaanaya magaalada Miniapolis gobolka Minisota ee dalka Mareykanka ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ku geeriyooday ra’isal wasaarihi hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen.

Marxuumka oo 90-sano jir ahaa, wuxu todobaadkii la soo dhaafay ku jiray cisbitaal isagoo la xanuunsanayay cudurka qabowga sida ehelkiisa ay u sheegeen Allsomalia Online.

Allah ha u raxmadee C/risaaq wuxuu Soomaaliya ka soo noqday ra’isal wasaare, wasiirka arrimaha gudaha, safiirkii Mareykanka, iyo xilal kala duwan sida uu Allsomalia u xaqiijiyay Cusmaan Jaamac Cali oo horey Soomaaliya wasiir uga soo noqday haatanna ku nool magaalada London.

C/risaaq, waxaa lagu xasuustaa inuu hormuud  ahaa mideyntii habkii waxbarasho ee xilligii isticmaarkii Talyaaniga, isagoo isku geeyay dhamaan iskuulladii waxbarasho.

Wuxuu xafiisyada dowladda ka hirgaliyay barnaamij lagu magacaabi jiray MAXAAD TAQAAN oo badalkiisa ahaan jiray YAAD TAQAAN, taasina waxay muujineysaa inuu ahaa qof ka soo horjeedo qabiilka.

Maamulka iyo Shaqaalaha Allsomalia Online, waxay tacsi u dirayaan dhamaan umadda Soomaaliyeed gaar ahaan qaraabadii uu ka dhintay marxuum ra’isal wasaare C/risaaq Xaaji Xuseen oo ahaa halyey waxbadan u soo qabtay Soomaaliya.

Leave a Reply