Taliyaha Ciidamada Kenya oo Shacabka Kismaayo u sheegay in ciidamadooda qaarkood ku...

Taliyaha Ciidamada Kenya oo Shacabka Kismaayo u sheegay in ciidamadooda qaarkood ku harayaan

26
0
SHARE

Col-Willy-MasongaAfayeenka ciidamadda Kenya Col Willy Wesonga oo la hadlay shacabka Kismaayo oo dhawaan mudaaharaad ka sameeyey bixitaanka ciidamadda Kenya ayaa sheegey in uu doonayo in uu shacabka reer Kismaayo u sheego in ay ogaadaan in qaar ka mid ah ciidamadda Kenya ay ku harayaan Kismaayo sida uu yiri, waxaa kale oo uu sheegay in ciidamadda ka socda dalka Sierra Leone ay badali doonaan ciidamadda Kenya ee ka baxaya Kismaayo, islamarkaasina ay ciidamadaasi yihiin kuwa la awood ah kuwa Kenya,wuxuuna intaasi ku daray in taliska ciidamadda Kenya iyo inta baddan ciidamadoodu ay u wareegi doonaan gobolka Gedo.

Ciidamadda Kenya ayaa bilaabay in ay ka guuraan magaalada Kismaayo, iyada oo la arkayay maraakiib daad gureyneysa ciidamo meel u dhow dekada iyo iyadoo sidoo kale ay jiraan qaar kamid ah ciidamadaasi oo dhinaca hawada laga daadgureynayo lanageynayey goobo ku yaalla xudduudda gobolka gedo iyo magaalada wajeer oo uu ku yaallo garoonweyn oo ay isticmaali karaan diyaradaha waaweyn ee meletariga.

Afhayeen cusub ee ciidamada Kenya Waxa uu hadlayay kadib markii uu xilka afayeenimadda kala wareegey afayeenkii hore Cyrus Oguna oo xil kale ka qabanaya ciidamada Kenya inkastoo aan weli la sheegin waxa uu yahay xilka uu qabanayo.

Illaa 2 boqol oo askari oo ka tirsan ciidamadda Kenya ayaa ku haraya magaalada Kismaayo kadib marka ay ciidamadda Kenya isaga baxaan magaalada maalmaha soo socda,waxaana magaalada la wareegaya ciidamo ka socda dalalka Sierre Leon iyo Burundi iyo ciidamo Police ah oo dalka Nigeria ka socda, waxaana magaalada ay qaadanaysaa magac cusub oo ah aagga Kismaayo (Kismaayo Sector), halka markii hore ahayd Sector 2 marka laga hadlayo talisyadda AMISOM ee Soomaaliya sida ay u dhisanyihiin,Taasi oo ka dhigan in xittaa ay magaalada kismaayo ka wareegeyso ama ka hoos baxayso taliska Sector 2 ee ciidamadda Kenya ay maamulaan.

 

Leave a Reply