Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha oo sheegay in ay siyaasad ka dambeyso...

Taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha oo sheegay in ay siyaasad ka dambeyso eedeyn loo jeediyay

28
0
SHARE

aliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Jeneral C/laahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyay warar sheegayay in xarumo ay leeyihiin dad rayid ah si sharci daror ah ay ku deganyihiin.

Taliyaha ayaa sheegay in dhulka lagu eedeeyay inuu deganyahay uu yahay mid banaan oo deris la ah hoygiisa, islamarkaana aanay jirin hay’ad ama shaqsi degan, waxaana uu xusay in dhulkan lagu eedeeyay uu yahay mid uu leeyahay nin u dhashay dalka Talyaaniga, hase yeeshee ay dhowr jeer u yimaadeen dad farabadan oo mid weliba  sheeganayo milkiyadda dhulkaasi banaan.
“Dhulkan markiisii hore waxa deganaan jiray nin u dhashay wadanka Talyaaniga oo milkiyadiisa leh  hase yeeshee intii lagu guda jiray bur burkii waxaa uu noqday meel burbursan oo qashinka lagu shubo dad badan ayaana sheegta ilaa hadda inay leeyihiin, hase yeeshee waxaa jira hay’ado garsoor oo dalku leeyhay kuwaasoo ay la xiriiri karto cidii dacwad ii heysata” ayuu yiri Jeneraal Gaafow
Sidoo kale Taliyaha hogaanka socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Cabadullaahi Gaafow ayaa cadeeyay in isagu uusan sina ugu lug leheyn dhulkaasi, balse uu ka agdhowyahay oo kali ah hoygiisa, waxaana uu ku tilmamaay eedeynta loo jeediyay inay tahay mid ay siyaasadi ka dambeyso oo aan loo baahneyn in lagula kaco shaqsi haya mas’uuliyad dowladeed.

Leave a Reply