Taliye sare oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku xiran Xabsi kuyaala...

Taliye sare oo katirsan Ciidanka Milatariga Soomaaliya oo ku xiran Xabsi kuyaala Magaalada Muqdisho

32
0
SHARE

Maxkamad ku taalla gobolka San Diego ee dalka Mareykanka ayaa xukun xarig ah waxay ku ridday Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Axmed Naashir Tahliil oo 38 sano jir ah, kaas oo ay ku eedeysay in lacago u diray Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Sida ay baahiyeen qaar ka tirsan Warbahaahinta Maxalliga ah ee dalka Mareykanka waxaa Axmed Naasir Tahliil lagu eedeeyay in lacag dhan kun Doollar uu u diray dalka Soomaaliya, si loogu taageero dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Shisheeye.

Maxkamadda masoo bandhigin caddeyn rasmi ah oo ku aadan eedeynta ay usoo jeedisya Axmed Naasir Tahliil, waxeyna ku dhawaaqday inay ku xukuntay Lix sano oo Xarig ah.

Qareenka u doodayay Axmed Naasir ayaa gaashaanka ku dhuftay xarigga lagu xukumay ninkii uu u doodayay, isagoo sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan go’aanka ay Maxkamaddu ku dhawaaqday.

Dalka Mareykanka waxaa horey sidan oo kale loogu xukumay Soomaali fara badan oo eedeyn looga dhigay inay lacago u direen Mujaahidiinta Soomaaliya ka dagaallanta, waxaana ka mid ah dadka eedahaas lagu soo oogay oo illaa iyo hadda xabsiyada ku jira gabdho Soomaaliyeed oo ku noolaa dalka Mareykanka, iyadoo mudooyinkan dambe ay si weyn isu soo tareyso cadaadiska lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Mareykanka.

Leave a Reply