Tarsan oo sheegay in Siyaasiyiin iyo Alshabab ay ka dambeeyaan Qaraxyadii turkiga

    14
    0
    SHARE

    Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ka hadlay ugaarsiga sii xoogeysanaya ee bartilmaameedka looga dhiganayo shaqaalaha dalka Turkiga ee Soomaaliya jooga.

    Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in shaqaalaha Turkiga ay bartilmaameed ku hayaan rag siyaasiyiin ah iyo Shabaab oo isbaheestay,oo kasoo horjeeda horumarada Dowladda Turkiga ay ka wado dalka Soomaaliya.

    Wuxuu sheegay in Shabaab kaliya aysan fulin weerarada lala eegto shaqaalaha dalka Turkiga ee Magaalada Muqdisho jooga balse ay jiraan rag siyaasiyiin ah oo Al-Shabaab ufududeeya weerarada ay ka geystaan Magaalada Muqdisho.

    Hadalkaan ayaa wuxuu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho maanta ka sheegay meel fagaare ah oo banaanbax ballaaran uu maanta ka dhacay Muqdisho loogana soo horjeedo bartilmaameedka lagu haayo shaqaalaha dalka Turkiga ee Muqdisho ka howgala.

    Dhawaan weerar ka dhacay Degmada Hodan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday guri ay dagan yihiin shaqaalo Turkish ah halkaasi waxaa ku dhintay mid kamid ah askarta Dowladda Turkiga iyadoo qaar kale ay ku dhaawacmeen.

    Leave a Reply