Tirada Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Sumoobay Galgaduud.

Tirada Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Sumoobay Galgaduud.

91
0
SHARE

Magaalada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Gal-gaduud Ayaa Waxaa La Keenay Dad Sumeysan Sida Ay ay Simba u Sheegeen Mas’uuliyiin Ka Tirsan Maamulka Degmada Balan-bale.

Dadkaan Ayaa Waxaa La Sheegay In Ay Kusoo Sumoobeyn isla-markaana laga Keenay xadka Gobolka gal-gaduud uu La Wadaago Itoobiya Gaar ahaana Deegaan Lagu Magacaabo Araare.

Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Balan-bale Ee Waqooyiga Gobolka Saalax cabdulle Aaden  Ayaa Sheegay in hadda ay wanaagsan tahay Xaaladda Caafimaad ee Dadkan Sumoobay Waxa Uuna Sheegay In Ay Kasoo Jeedeen Hal Qoys Oo kaliya.

Sidoo kale Saalax ayaa Waxa Uu Xusay In Dadka Ay Ka Kooban Yihiin illaa 7-ruux Isla-markaana Ay Jiraan Dad Kale Oo Loo Qaaday Dhinaca Degmada Guriceel Ee Gobolka Gal-gaduud.

Ugu Dambeyn Waxa Uu Carrabka Ku Dhuftay in Ay Dadkaan Ay Sababsadeen Hilib Geel Oo Ay Cuneyn Balse Madaxa Arrimaha Bulshada Balan-bale Ma Bixin Faah-Faahin Intaasi ka badan.

Dhageyso: Wareysiga Madaxa Arrimaha Bulshada Degmada Balan-bale Ee uu Siiyay warqabadka Idaacada Simba ee gobalka Galgaduud.

 

Leave a Reply