TOP NEWS:- Ciidamado Guluf Ku ah Shabaab oo Ku Dhawaaday Bu’aale!!

TOP NEWS:- Ciidamado Guluf Ku ah Shabaab oo Ku Dhawaaday Bu’aale!!

32
0
SHARE

Guddoomiyaha Degmada Afmadoow ee Gobalka Jubadda hoose ee maamulka Jubba C/xakiin Cumar Xaaji ayaa faah-faahin ka bixiyay dagaalo ay la galeen Xoogaga Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka Degmada Afmadoow.

C/xakiin Cumar Xaaji ayaa sheegay in ciidamada Maamulka Jubba iyo kuwa Kenya ay ku dhaqaaqeen dhanka Degmada Jilib ee Gobalka Jubadda Dhexe, isagoo xusay in ay dhul badan ka qabsadeen Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada oo isgarabsanaya Shabaab ay ka saareen deegaan lagu magacaabo Xagar oo Waqooyiga Afmadoow kaga aadan, Bu’aalana ujirta ilaa 80KM.

Waxaa uu Sheegay C/xakiin Cumar Xaaji in ay ku dhawyihiin hada Bu’aale, isagoo sheegay in ay ka go’antahay ka saarida Al Shabaab ee deegaanada Jubooyinka.

Leave a Reply