Turkiga ayaa ka warbixiyey Dhaqalaha somalia

Turkiga ayaa ka warbixiyey Dhaqalaha somalia

39
0
SHARE

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Kamaludin Kani Torun ayaa sheegay in lacag gaareysa 35-milyan oo doolarka Mareykanka ay ku baxday dhismaha iyo qalabeynta Isbitaalka Digfeer oo noqday mid ka mid ah isbitaalada ugu casrisan geeska Afrika.

Wareysi uu siiyay Safiirka Idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho ayuu uga hadlay howlaha mashaariicda uu ka wado Turkiga magaalada Muqdisho, isagoo ku dhawaaqay in dhowaan uu shaqo bilaabayo Isbitaalka Digfeer.

“Isbitaalka waxaa ilaa iyo hada ku baxay lacag gaareysa $35 milyan oo doolarka Mareykanka, Isbitaalku waa mid u dhameystiran qalab ahaan iyo dhisma ahaanba, waxaa dhowaan sugeynaa koox dhaqaatiir ka imaaneysa Turkiga oo bishan dhamaadkeeda imaanaya, waxay la howl galayaa dhaqaatiir iyo kal-kaaliyaal Soomaaliyeed”ayuu yiri Safiir Kani Torun oo intaa ku daray in Isbitaalka uu si rasmi u howl geli doono bisha Febraayo ee soo socota.

Safiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Isbitaalka uu noqonayo lacago aan badneyn, isagoo dhanka kale xusay in mushaarka iyo qarashka ku bixi doona shaqaalaha ay iska kaashan doonaan dowladda Soomaaliya iyo Turkiga.

“Lacagta Cisbitaalka waxay ku xiran tahay cida maamusha, Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa si wada jir ah Lacagtaasi isaga kaashan doona, Sidaas daraateed maamulka wuxuu haaystaa Qarash, iyadoo loo eegayo bajadka qaar ka mid ah qiimaha Lacagta waxaa bixinaya Turkiga sida shaqaalaha Turkiga, sidoo kalena Dowlada Soomaaliya waxay bixineysaa mushaaradka kale shaqaalaheeda iyo wixii ay u baahan yihiin, marka Lacagtada badideeda waxaa ka imaaneysa kor laakiin waxaa jirta Lacag yar oo laga qaadi doono Bukaanada Cisbitaalka imaanaya”ayuu yiri Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya amb. Kamaaludiin Kani Torun.

Isbitaalka Digfeer oo si casri ah loo dhisay loona qalabeeyay, ayaa waxaa halkan idinku soo gudbinayaa muuqaalada laga soo duubay Isbitaalka iyo qalabeynta casriga ee lagu sameeyay.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Leave a Reply