Ururka Midowga Afrika “AU” oo ka arrinsanayo Arrimaha Somalia

Ururka Midowga Afrika “AU” oo ka arrinsanayo Arrimaha Somalia

29
0
SHARE

Hoggaamiyayaasha Dowladaha ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa lagu wadaa inuu Shirweyne uga furmo magaalladda Addis Abeba ee xarunta dalka itoopiya.

Madaxweynayaasha Dowladaha xubnaha ka ah Ururka Midowga Afrika (AU)-da ayaa waxaa lagu wadaa inuu Kulankooda 22-aad berrito uga furmo Xarunta Dhexe ee Ururka AU-da oo ku yaalla Caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Shirweynahaasi oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxay Hoggaamiyayaasha kaga wada hadlayaan Xaalladaha Ammaanka, Siyaasadda, Arrimaha Bulshadda, Horumarinta Beeraha ee dalalka Afrika, waxaana Ajendayaasha ugu muhiimsan ee ay ka wada xaajoon doonaan ka mid ah Hawlgalka Ciiddamadda Nabad-ilaalinta Afrikaanka (AMISOM) ee ka hawlgala dalka Somalia.

Madaxweynaha Dowladda Federalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo Kulankaasi, si uu Madaxda Afrika ugu fahfaahiyo Xaalladda Guud ee dalka Somalia iyo Hawlgalladda AMISOM ka wadaan dalka Somalia.

Madaxweynaha waxa uu dhawaan soo dhaweeyey Tallaabadda ay Ciiddamadda Ethioipianka ugu soo biireen Hawlgalka AMISOM, wuxuuna xusay inay Dowladiisa ku faraxsan tahay in la dardar geliyo Hawlgalka AMISOM ee ka dhanka ah Alshabaab.

Dhinaca kale, Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka ku bahoobay Ururka Midowga Afrika ayaa waxay iyagana Kulan hordhac ah ku leeyihiin magaalladda Addis Abeba, oo ay ku diyaarinayaan Ajendayaasha ugu muhuumsan ee la hor dhigi doono Kulanka Madaxda Afrikaanka berrito u furmi doona.

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federalka, C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa ka qeyb galayo Kulanka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Afriukaanka, waana socdaalkii ugu horreeyey ee uu dibedda ugu ambabaxo tan iyo markii Xilkaasi loo dhiibay.

Wasiirka ayaa Warbaahinta u sheegay in Shirka Midowga Afrika lagu lafagurayo qaabka uu Ururka AU-da xal ugu heli karo Xiisadaha Colaadaeed ee ka aloosan dalalka Somalia, South Sudan, Afrikadda Dhexe iyo kuwo kale.

Leave a Reply