War Culus: Barre Hiiraale oo u hub aruursanaya Kismaayo.

    17
    0
    SHARE

    Col. Barre Aadan Shire(Barre Hiiraale) oo kamid ah hoggaamiyeyaashii kula dagaalamay magaalada Kismaayo Axmed Madoobe ayaa laga soo xigtay inuu qorsheynayo inuu Kismaayo tago isagoo wata ciidamo badan oo  ay wax ka abaabulayaan masuuliyiin dowladda ka tirsan.

    Xog ay heshay Shabakada Warbile.com ayaa sheegaysa in Alshabaab ay wax yar u jiraan Kismaayo isla markaana qorshaha uu yahay in dagaal dhan walba leh lagu qaado magaalada si loo qabsado.

    Waxaa kaloo lagu warramay in Barre Hiiraale ay la socdaan saraakiil ka tirsan dowladda oo Warbile.com loo magac dhabay.

    Saraakiishaasi waxaa kamid ah Cornel Maxamed Ibraahim Buulle oo ka soo jeeda Beesha Gaal-jecel waxaana jira in sidoo kale ay la socdaan hoggaamiyeyaal ay kamid yihiin Iftiin Xasan Baato iyo Cumar Buraale Axmed.

    Warar hoose ayaa sheegaya in Barre Hiiraale uu ka mural-dillaacay munaasabddii shalay uu Axmed Madoobe ku qabsaday magaalada Kismaayo ee ay ka qeyb galeen madsax ka tiresan dowladda Soomaaliya.

    Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ciidamo badan ay ku sugan yihiin deegaanka Goobweyn oo magaalada Kismaayo u jirta qiyaas dhan 5KM.

    Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilayaa in ay ka gaabisay wax badan shirkii dib u heshiisiinta ee Muqdisho uga furmay dhinacyada isku haya talada magaalada Kismaayo.

    Hoggaamiye Axmed Madoobe ayaa gobollada Jubbooyinka iyo Gedo qaarkood laga mucaaradsan yahay.

    Leave a Reply