Wednesday, January 17th, 2018

WAR HADDA SOO DHACAY: REYSALWASAARE MUDANE XASAN CALI KHEYRE OO GAARAY HADDA GOOBTA XAFLADU KA SOCOTO EE BOOLISKA LAGU MAAMUUSAYO.

Published on December 20, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow gaaray Xarunta Jeneraal Kaahiye oo ay ka socoto Munaasabada loogu dabaal dagayo Sanad guuradii 74aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay Ciidamada Booliska Soomaaliya.

 

 

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu Salaan Sharafeed ka qaato Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxayna madaxda qaranka jeedin doonaan khudbado looga hadlayo Dabaal daga Ciidamada Booliska iyo Taariikhaha kala duwan ay soo mareen.

 

Wasiiro, Xildhibaano ka kala socda Labada Aqal, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo Masuuliyiin kale ayaa goobjoog u ah Munaasabada.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ka mid ah Awooda Ciidan ee qaranka kuwaas oo soo maray Burbur xooggan hasayeeshee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa didaalo dheeraada ku bixinaysa Xoojinta iyo qalabaynta Ciidamada Booliiska Qaranka Soomaaliyeed.

 

Nagala Soco Youtube Channel – Fadlan Subscribe saar

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK