Wararkii ugu dambeeyay sarkaal muhiim ah oo Shabaab laga dilay Duqeyn cirka...

Wararkii ugu dambeeyay sarkaal muhiim ah oo Shabaab laga dilay Duqeyn cirka ah

27
0
SHARE

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeerar  dhanka cirka ah oo lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaasi oo lagu magacaabi jiray Axmad C/Qaadir Cabdulaahi, waxaana weerarkaan uu ka dhacay deegaanka Haawaay oo Baraawe ku dhaw.

Weerarkaasi waxaa sidoo kale ku dhintay darawalkii waday gaariga oo la socday Sarkaal Axmed C/qaadir, iyadoo wararka ay sheegayaan in xilliga duqeynta lala eeganaye uu kasoo baxay sarkaalkaan dhanka Degmada Diinsoor ee Gobalka Baay.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in sarkaalkaan Shabaab uu uqaabilsanaan jiray dhanka caafimaadka, isaga oo ahaa sarkaal muhiim ah marka loo eego shaqada Shabaab uu u haaye.

Diyaaradaha dagaalka ee Drone-ka Mareykanka ayaa la sheegay inay fuliyeen weerarkaan inkastoo weli Mareykanka aysan xaqiijin inay ka dambeeyeen weerarkaan lagu dilay Sarkaal Axmed C/qaadir Cabdulaahi.

Al-Shabaab kama aysan hadlin wararka ku aadan duqeynta lagu dilay sarkaalkaasi ka tirsanaa dhanka caafimaadka ee Shabaab.

Dhawaan ayeey aheyd markii diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ay duqeyn ku garaaceen deegaanka Birta dheer oo Gedo ka tirsan, halkaasina ay sheegteen Kenya inay ku dileen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Shabab.

Leave a Reply