Wednesday, January 17th, 2018

WASIIR XOG LAMA FILAAN AH KA BIXIYAY CAQABAD CULUS OO KA TAAGAN XAFIISKA R/WASAARE KHEYRE.

Published on December 23, 2017 by   ·   No Comments

Cabdullaahi Xaamud Maxamed Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in Xafiiskiisa Caqabadaha ugu badan ee lasoo gudboonaado uu yahay Dhalinyarada shaqada doonka ah ee triada badan, waxa uuna sheegay in ay sabab u tahay shaqo la’aanta heysta.

 

 

 

Dhalinyaradaasi ayuu sheegay in ay yihiin kuwo Wax soo bartay, ayna doonayaan in ay shaqo ka helaan Xafiiska Wasiirka 1-aad ee Dalka, Wasaaraha Xukuumadda ayuu tibaaxay in aanan shaqooyinka sidii la rabin u fur-furin, taasine ay tahay Caqabadda ugu weyn ee Xalkeedu uu raadinayo.

Soomaaliya ayuu sheegay in wax waliba ay siyaasadeesan yihiin, isagoona tusaale usoo qaatay:- Ciidamada, Maamul Goboleedyada, iyo in wax waliba la siyaasadeeyey.

 

Arrintaas ayuu ku tilmaamay in ay u baahan tahay in Xal Siyaasadeed loo helo, una baahan tahay in ka fiirsi badan la sameeyo, si aadan ugu deg degin go’aan waliba oo Caqabadiisa wata, sida uu hadalka u dhigay.

 

 

 

Xafiiska Dowladda waxaa Warqado Geysta Dhalinyaro Muddo dalka wax ku baranaye si ay shaqo ugu helaan, balse Doorka Dowladda ee Shaqo siinta dhalinyarada ayaa la sheegayaa in aanan sidaa usii badneen Maadaama Wasaaraha intooda badan aanan Shaqooyinkooda aheyn Sidii la rabay sida uu qiray Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK