Wasiiradii u horeeyay Xukuumada C/wali Sheekh oo xilalka Wasaaradahooda la

    41
    0
    SHARE

    kadib ku lan  kadhacay  xarunta madaxtoyada  ayaa  Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta Maxamuud Xasan Suleymaan (Cawil) ayaa xalay lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalada Muqdisho, iyadoo munaasabada ay ka soo qeyb galeen Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiirada xilka la wareegayay Xuseen Cabdi Xalane, iyo Siciid C/laahi Maxamed, Wasiiru dowlaha Maaliyada C/laahi Maxamed Nuur, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

    Wasiirka xilka Wareejinayay Maxamuud Xasan Suleyman oo furitaankii Munaasabada hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee soo martay Wasaarada Maaliyada iyo qorshaynta mudadii uu xilka hayay, isagoo xusay Wasiirku heer wanaagsan inay marayso shaqada wasaarada Maaliyada isla markaana ay kasoo gudbeen marxalado adag oo ka gudbistooda waqti badan la galiyay.

    Waxaan bilownay inaan soo celino hantidii naga luntay waxaana gacan naga siinaya World Bank,waxaanu heshiisyo horudhac ah la gaarnay Shirkado caalami ah oo gacan naga siinaya tayaynta Miisaaniyada Soomaaliya,”

    Maxamuud Xasan Suleymaan ayaa sheegay guud ahaan Wasaarada Maaliyada inaysan wax qarash ah xiligani ku lahayn shaqaalaha dowladda isagoo arintaasi ku micneeyay da’daal dheer oo Wasaaradu u gashay sidii mar walba shaqaaluhu u heli lahaayeen mushaaraadkooda bil waliba.

    Intaasi kaddib ayuu Wasiirkii hore ee Maaliyada iyo Qorshaynta wuxuu xilka ku wareejiyay Wasiirada labada Wasaaradood ee Maaliyada iyo Qorshaynta, waxaana ay goobta ku kala saxiixdeen Documents- kii ay ku shaqaynayeen Wasaaraduhu.

    Hadalo kooban oo labada Wasiir ee xilka lagu wareejiyay goobta ka jeediyeen ayay ku ammaaneen Wasiirkii hore ee Wasaaradahaasi Maxamuud Xasan Sulaymaan (Cawil) mudadii uu xilka Wasaarada hayay howlihii uu qabtay.

    Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka diinta iyo Awqaafta Ridwaan Xirsi Maxamed oo ugu danbayntii Munaasabad hadal ka jeediyay ayaa u mahad celiyay Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamuud Xasan Sulayman mudadii uu Xafiiska joogay howlihii uu soo qabtay, isgaoo kula dar-daarmay Wasiirada cusub ee xlka la wareegay inay howsha kasii wadaan halkii uu dhigay Wasiir Sulaymaan.

    Wasiirada Xukuumada Ra’iisul wasaare C/wali Sheekh Axmed oo dhowaan codka kalsoonida heshay ayaa dhowaan la filayaa inay xilalka kala wareegaan Wasiiradii Xukuumadii hore.

    Leave a Reply