Wasiirka Arimaha Gudaha oo Maamul uga Dhigay Deegaanada Gobolka Shabellaha Hoose Rag Ku Heyb ah

    16
    0
    SHARE

    Wasiirka Arimaha Gudaha ee Xukuumadda Somaaliya ayaa la sheegay in rag ka dhashay beeshiisa gar ahaan lafta Sacad iyo Ceyr oo maamul uga dhigay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose.

    Odashaa dhaqanka ee deegaanka Lafoole ayaa sheegay in Beesha Wacdaan ay halkaa kumagacaban tahay, waxaana ay shegen in dowladu beesisay hadalkii ahaa in deegaan walbaa cida u dhalatay maamul looga dhigay.

    Suldaan Maxamuud Jaram oo ku hadlayey magaca beesha Wacdaan ayaa sheegay in aysan ogoleen maamul cusub oo halkaa loo magacabay uuna soo magacaabay wasiirka arimaha gudaha.

    Waxaa uu sheegay nabadoonku in wasiirka ay la kulmeen uuna ku amray in ay codsi soo qortaan, waxaana uu sheegay in kadib marki ay codsiga qorteen xafiiska uu ka xirtay oo uu la kulmi doono.

    Leave a Reply