Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo xilka la wareegay

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo xilka la wareegay

35
0
SHARE

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xilka kala wareegay Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo xukuumaddii hore ka tirsaneyn, xilkana si ku-meel-gaar ah u sii haysay.

Fowsiya oo ka hadashay xafladdii xil-wareejinta ayaa sheegtay in muddadii ay xilka heysay ay wasaaraddu samaysay horumar la taaban karo, waxayna ku boorrisay wasiirka cusub inuu sii dar-dar-galiyo qorshayaasii wasaaradda u degsanaa sanadkan 2014-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Baeyle ayaa u mahadceliyey marwo Fowsiyo, wuxuuna ku ammaanay waxqabadka wasaaradda muddadii ay xilka heysay.

Wuxuu sheegay in wasaaradda uu ku hoggaamin doono wada-tashi iyo dedaal, iyadoo wax badan laga tixraacayo hannaankii wax qabad ee wasiirkii ka horreeyey.

Xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta wasaaradda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin iyo shaqaale ka tirsan wasaaradda.

Leave a Reply