Thursday, February 22nd, 2018

WAX KA BARO TAARIIKHDA CAALIMKII WEEY NAAY EE GOBALADA DHAXE AUN MACLIN SALAAD IIMAAN OO GEERI YOODAY.

Published on February 3, 2018 by   ·   No Comments

Q:1 Allaha unaxariistee macalin salaad iimaan maxamed wuxuu kudhashay duleedka dagmada GALHAREERI ee gobalka galguduud taariikhdu marki ay kubeegneed qiyaastii 1940 miilaadiga

Macalinku marki uu 12 jir ahaa waxaa dhintay hooyadii oo lagu magacaabi jiray

Carwo faarax jumbur Macalinku wuxuu yiri marki hooyo dhimatay waxaan ku dadaalijiray in aan aabe gogoshiisa ugu goglo sidi hooyo ugu gogli jirtay raashinkiisana aniga ayaa karijiray ,

 

Macalinku marki uu soo hanaqaaday wuxuu u anbabaxay oo uu ucilmi doontay magaalada muqdisho oo caanku ahayd barashada culuumta islaamka

Waxaa igu maqaalaa in macalinku lajoogijiray reer abtigii mudadii uu xamar xerowga ku ahaa inti uu xamar joogay wuxuu ku mashquul sanaa macalinku barashada diinta islaamka culuumta uu sigaara ubartayna waxaa kamid ahaa cilmiga tafsiirka ,

Macalinka oo si xoowliya uwata barashadii cilmiga ayaa loo soo sheegay in aabihii iimaan maxamed uu ogaal la’yahy aadna u xanuun san yahay halkaa ayuu si hal haleela ugasoo anba baxay xamar iyadoo waqtigaa uusanjirin gaadiidka dheereeya ee hadda la isticmaalo

Macalinku wuxuu yiri:

Marki aan soo gaaray aabe wax ogaala malahayn miyirkiisuna majoogin

Wuxuu kitaabka ayaan kalafurtay waxaana kubilaabay quraan jalaad (subac) ayaan ku dhameeyay kii labaad ayaan ku dhameeyay kii kale .. ilaa aan quraankii oo dhan aan aabe kudul akhriyay marki aan quraankii ku khatimay ayuu indhaha kalaqaaday wuxuuna yiri:

Ma saladaaa?? Haaa aabe ayaan ugu jawaabay

Wuxuu yiri maadhow haygatagin oo meel aandhawaqaada ka maqlayo ha ka fogaan Macalinku xamar ayuu kayimid waxbarashana waa usocotay nin magaala bartay oo muqdisho muda kunoolaana wuu ahaa

In miyiga iyo baadiyo noloshiisi kunoqoto way dhibaysay lakin hadalka aabihii ayaa waxwalba kala waynaa wuxuu ku yiri aabe ma halkaan ayaad iigu ducaysay??

Haa maandhow galahareeri gudihiisa hodan allaha kaaga dhigo ee iska joog ayuu aabe yiri

How raarsan iyo haye ayay jawaabi noqotay

Lasoco qaybta2aad

W/Q Yacquub cabdulle maxamud

Macalin salaad iimaan Macalin salaad Iimaan1

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK