Weerarkii lagu dilay Sarkaal Axmed C/qaadir Cammo Isku-dhuuq oo la sheegay in...

Weerarkii lagu dilay Sarkaal Axmed C/qaadir Cammo Isku-dhuuq oo la sheegay in lagu dili rabay hogaamiyaha Shabaab

38
0
SHARE

Idaacada VOA oo soo xiganaysa saraakiil dhanka ammaanka ah oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, ayaa waxa ay sheegtay in weerarkii Mareykanka uu ka geystay Gobalka Shabeelaha hoose lagu dili rabay hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab Sheekh C/raxmaan Abuu Zubeyr oo loo yaqaano Axmed Cabdi Godane.

Ilaha dhanka ammaanka ee ka tirsan Amisom oo ay VOA soo xiganaysay, waxa ay sheegeen in xilliga weerarka uu dhacay hogaamiyaha Shabaab uu ku sugnaa meel kudhaw halka weerarka uu ka dhacay, xilligaasina ay balansanaayeen sarkaalka weerarka ku dhintay ee dhanka caafimaadka Shabaab u qaabilsanaa.

Sarkaalka la dilay, ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Axmed C/qaadir C/laahi, oo lagu naaneysi jiray Cammo Isku-dhuuq. Kaasoo darajadiisu lagu sheegay in uu ahaa Madaxii Caafimaadka ee Shabaabka.

Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in gaarigii uu watay Sarkaal Camo Dhuuq uu ku safri rabay Hogaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane, inkastoo meel dhexe duqeynta lagula helay Sarkaal Camo Dhuuq kahor inta uusan gaarin goobta uu ku sugnaa Axmed Cabdi Godane hogaamiyaha Al-Shabaab.

Weerarka lagu dilay Sarkaal Camo Dhuuq, ayaa wuxuu ka dhacay Deegaanka Farjano oo ku yaala inta u dhaxeyso Degmooyinka Sablaale iyo Baraawe, iyadoo ay Deegaan ahaan ka tirsan tahay Sablaale.

Mareykanka ayaa wuxuu xaqiijiyay inuu ka dambeeyay weerarka lagu dilay sarkaalkaasi, waxaana la sheegay in lala dilay sarkaalka Darawalkii uwaday gaariga oo duqeynta qudhiisa ku geeriyooday.

Al-Shabaab si rasmi ah weli ugama aysan hadlin duqeynta lagu dilay sarkaalkaasi uqaabilsanaa dhanka caafimaadka, sidoo kalena saaxiib dhaw la ahaa Hogaamiyaha Ururka Al-Shabaab.

Leave a Reply