Xaaladda degmada Wanla-weyn oo saaka deggan iyo dagaalkii oo joogsaday.

Xaaladda degmada Wanla-weyn oo saaka deggan iyo dagaalkii oo joogsaday.

45
0
SHARE

Waxaa dhaq-dhaqaaqyo ciidan saaka laga dareemayaa degmada Wanla-weyn ee gobalka Shabeellaha Hoose halkaasoo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo ka wada tirsan dowladda.

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka xaaladdu ay tahay mid wanaagsan isla markaana dagaalka waxaa dhex galay maamulka degmada Wanla-weyn.

Guddoomiyaha Wanla-weyn oo talefoonka gacanta kula hadlay Warbaahinta Warkii waxa uu sheegay in wax dagaalka ah uusan ka jirin degmadooda.

Dagaal u dhaxeeyo ciidamo ka wada tirsan dowladda ayaa maalintii shalay ka dhacay degmadaasi Wanla-weyn iyadoo uu jiro khasaare soo kala gaaray ciidamada dagaalamay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ee ku dagaalamay Wanal-weyn ay u abaabulan qaab beeleed.

Dowladda Federal-ka Soomaaliya ayaa weli si dhab ah wax uga qaban arrinta Shabeellaha Hoose oo soo laab-laabatay dhowr jeer.

Waxaa lagu soo warramayaa in saaka xaaaddu ay tahay mid ka yara deggan sidii shalay, maamulka degmada ayaa sidoo kale lagu dhaliilayaa arrintani inuu ku lug leeyahay.

Leave a Reply