Xaas Reysalwasaaraha Hindiya oo Meydkeeda Hoteel laga helay

    24
    0
    SHARE

    Haweeneydan oo lagu magacaabo Sunanda Pushkar ayaa Meydkeeda laga helay Hoteel Lagu raaxeysto,Meydka Haweeneydan ayaa waxaa helay Shashi Tharoor oo ah Wasiirka Federalka iyo shaqada iyo shaqaalaha xili uu dib ugu laabanayay Leela Palace hotel.

    Dhaqaatiirta iyo Baaritaano hordhac ah ayaa waxa ay ixtimaalayaan in ay neeftu ku ceshantay, hase ahaatee dhimashadeeda ayaa lagu sheegay mid deg deg ah ama aaan caadi aheyn (unnatural).

    Mid ka mid ah saddax dhaqtar oo baaritaanka sameeyay oo lagu magacaabo Sudhir Gupta ayaa AFP u sheegay in aanu weli cadeyn sababta ay u dhimatay haweeneydani.

    “Tan iyo markii aanu bilawnay baaritaanka ilaa iminkadan oo aanu ku dhex jirno macada sababta ay u dhimatay xaaska Reysalwasaaruhu” Sidaasi waxaa yiri Sudhir Gupta.

    Leave a Reply