XALKA TUKARAQ WAA ARIMO GUDEED HOOS YIMAAD DAWLADA FADARAALKA SOOMAALIYA

XALKA TUKARAQ WAA ARIMO GUDEED HOOS YIMAAD DAWLADA FADARAALKA SOOMAALIYA

16
0
SHARE

Waxaa dalkii Soomaaliya dawladiisii burburtay 1991 taasoo gabi ahaanba kabaxday booskeedii.Dalka oo galay maqnaansho dawladeed oo buuxa.dabadeedna waxaa dhacay wixii dhici jiray markii dal si ba`an u burburo.jabhado hubaysan oo kala mabda ah,lahayn hadaf cad iyo isbadal siyaasadeed oo dan u ah dalka iyo dadka iyo danta soomaaliyeed hororka mooyaane. dawladnimadii ayaa dadka soomaaliyeed iska burburiyay iyagoon ka fakarin qoshe dawladaas lagu saaro midkalana oo badalkeeda ah markiiba lataago si dalkeenu u dayacmin cadawna inooga faa iidaysan.

Ninba kuu kolkaa is leeyahay waad ka xoog roontahay maanta,waa dilay,oo waa dhacay,oo waa kufsaday. maxaayeelay dawlad baan jirin,hadaysan dawlad jirin macnuhu waa sharcina majiro dacwana majirto waa jaantaa rogan.mudo aad u dheer ayaan khalad kaynu galay soomaaliyeey,oo dalkeena iyo nafteena ka galay sixi la nahay.

dagaal oogayaal,maxaakiim, dawlado kumeel gaara inaas oo dhan waa soomaray oo ah isku dayo lagu baadi goobaayay dawlad hanata dalkeena oo ah waxa kaliya ee inaga maqan shalayna aynu inagu iska duminay inagoo ah soomaali. Ugu danbayn waxaynu kabaxnay ku meel gaarkii oo noqonay dawlad caalamku aqoon sanyahay.

Waxaan qaadanay nidaamka dawliga ah ee fadaraal tanoo katimid buburkii inagu dhacay iyadoo loo arkay in qaab fadaraal ah bal laysugu keeno umadii soomaaliyeed si loo helo dawlad iyo xasilooni. hadii uu xal saxa yahay iyo hadii uu san ahaynba waa nidaam hada soomaalidu qaadatay.

Waa yadan danbe waxaa mahad illaahay ah in dalkeenii soo hagaagayo kadib markay heleen madax wayne leh aragti iyo hogaamin wanaagsan oo salkeedu yahay daacadnimo ah in lahelo dawlad soomaaliyeed oo shaqaysa dalkana ka saarta dhibaatada ragaadisay. Madax weyne shacabka soomaaliyeed ku kalsoon yihiin dal iyo dibadba. waana arin ay ku sharfooyihiin kuna aamaanan yihiin shacabka soomaaliyeed in ay adeecaan madaxdooda sidalkoodu u wanaagsanaado.

Waxaa hadaba kuu muuqanaya in goboladii koonfureed iyo caasimadii dalkeena Mogdisho hormar sameeyeen dhanka amaanka ganaacsiga tacliinta iyo dawladnimadaba. waxaana aad u yaraaday fawdadii is dhex yaacii  iyo nadaam daradii.waa guul usoo hoyatay umada soomaaliyeed shacab iyo dawladba.

Koonfurta dalkeena waxaa ka jira shan 5 dawlad goboleed maadaaama dalkeenu qaatay nidaamka fadaraalka ah.hadaba dawlada dhexe ee fadaraalka ah iyo puntland,jubaland,koonfur galbeed,galmudug iyo hiiraan state intuba waxay hoos yimaadaan oo kamid yihiin dawlada dhexe ee fadaraalka ah,maadaama habkani inagu cusub yahay ayaan waa lagu dhib tooday is fahamkii guud iyo wada shaqayntii u dhaxaysay dawalda dhexe iyo dawladaha xubnaha ka ah. qofna kuma eedaysna ee waxaa keenay nidaamkan inagu cusub. waxaana guul ah in hada lays fahmay oo lawada shaqaynayo.

Markaan usoo noqono gobolada waqooyiga soomaaliya,waxaa ka jira hada xasilooni daro iyo is qabqabsi aan fiicnayn kaasoo koonfurta soomaaliya kasoo kabatay.waayo uma diyaar sana la qabsiga nidaamkii ay uuga qayb qaadan lahaayeen dawlada fadaraalka ee sooamaliyeed.marka waxaa muuqata in ay dib dhacsanyihiin,caqabadna ku yihiin hanaqaadka dawladnimada soomaaliyeed.

DHIBKA GOBOLADA WAQOOYI SOOMAALIYA WAA MAXAY?

Dhibka uugu wayni waxaa weeye maamulkii laga sameeyay goboladaas,oo u gacan galay dad u nugul u khidmaynta gumaysiga iyo cadawga soomaaliyeed afka soomaaligana lagu yiraahdo DABADHILIF. Hadaba daba dhilif wax cusub makeenin ee waxa loo dhiibay fulinta afkaartii gumaysi ee kala qoqoqobka iyo kala qaybinta umada soomaaliyeed waxayna ku dhawaaqeen gooni u goosad iyo kala goyn dadka soomaaliyeed dhulkooda iyo dadkoodaba. wax cusub maha waa tii uun awoow yaalkeen soomaaliyeed ka dagaalameen oo dhiigooda u hureen.

Shacabkii daganaa gobolada waqooyi iyo beelihii soomaaliyeed ee halkaa ku noolaa waxay dhex dhigeen,jahawareer iyo marin habaabin iyagoo khaday maskaxdana kaga cayaaray caruurtii iyo dumarkii.waxay u sheegeen in ay yihiin dawlad la yiraahdo SOOMAALILAND. dhab ahaana meesha mataal dawladnimo iyo wax loo maleeyo midna.beel kamid ah beelaha halkaa daga ee soomaaliyeed ayaa tiri dawlad baanu nahay goday oo aan ka tirsanayn dalka soomaaliya oo gooni u taagan,beelihii kale lagama talo galin,go aan kuma laha mana aamin sana in dhulkii maqnaa ee soomaaliyeed  la  baadi goobo mooyee in jamhuuriyada soomaaliyeed ee xorta ah lakala qaybiyo sinaba.

Maamulka halkaa ka jira fadhigiisu waa Hargaysa,3 xibi baa kajira halbeel baa leh intaasaa kugu filan.xisbiyadii beelihii kale oo dhan waa la diiday. dhibku waa waabeel mar u dawladaynaysa beelihii kale,marlabaadna aamin san in ay ka go aan soomaaliya. waxaa barbar socota beelihii kale oo ka subxaana laystay beentan wayn ee beeshu latamid ah dawlad baan ahayn.marlabaadna aan aamin sanayn in wax loo dhimo midnimada iyo wada jirka umada soomaaliyeed iska daa kala goyn warkeed ee. kolkaa meesha wax isku mabda ah oo wada socdaan jirin.

Tani waxay dhalisay in beelihii isku horfadhiyaan TUKARAQ waxaana meesha taala tolaay maha dawladnimo tana meel cid ku gaaraysa majirto.

WAAMAXAY HADABA XALKA TUKARAQ IYO GOBOLADA WAQOOYI AY U BAAHAN YIHIIN?

Waxaa la eegayaa sida dastuurka dalkeenu qabo,in dalka loo dhiso dawlad goboleedyo fadaraalka dhexe ku soo biira maadama dawlada dhexe ee fadaraalku masuul ka tahay guud ahaan dhulkeena soomaaliyeed. xeerkuna waxa uu dhigayaa iyo sharciga dastuurka dalkeenu in laba gobol iyo wax kabadan is raaci karaan.beelaha goboladaas dagan soomaalidu way garanysaa gobolada iyo dagmooyinka ay beeluhu kala dagan yihiin iyaguna waa is ogyihiin,xoog iyo boobna nina ninka kale ulama iman karo haday dhacdana hade waa dulmi.

Kolhaday sidaa tahay beelaha haysu raaceen gobolo ahaan siday usu rabaan.midkii meel cidla ah ku soo dhacana toos buu u hoos imanayaa dawlada fadaraalka ee dhexe oo xaalkiisu waa gaar. shaqadan waxaa iska leh dawlada dhexe ee fadaraalka ah samaynta maamulada haduu dadku samaystana kaba siifiican waana la aqbalayaa.

gobolada sool sanaag iyo cayn haday raacaan puntland ama diidi karo waayo nidaamka dawliga ee inoo yaal ayaa sidaa ah,haday gooni ayaan isu taagaynaa doortaana waa u xor.marba hadii dawladii fadaraalka laga wada mid noqonaayo maxaa keenaya dagaal iyo waxaan jirin abuurideed.

KHAATUMO STATE IYO AWDAL STATE iyo SOOMAALILAND STATE wixii isqaadan karaa hays qaateen si ay uuga mid noqdaa dawlada dhexe ee fadaraalka dawlad goboleedyada ay ka kooban tahay. hadaba maadaama arimahani yihiin arimo ah gudaha dawlada fadaraalka ee soomaaliyeed waa in dawladu xalisaa maxaa keenaya dagaalka aan looba baahnayn?

dhibtu waa gobolada waqooyi beelaha dagan mala wali dawlad goboleed laba ah ama sadex ah oo kamid noqda fadaraalka.

Dadka soomaaliyeed waa in ay ilaashadaan dalkooda iyo dawladnimadooda.waxaana ku iimaan qabaynaa had iyo jeer dalkeena iyo diinteena iyo soomaalinimadeena taasoo aan ku faanayno.

 

Leave a Reply