Xasan Daahir oo saakay Banaanka Jooga

Xasan Daahir oo saakay Banaanka Jooga

27
0
SHARE

Dad badan ayaa saakay waxa uu waagu u baryay mid ka mid ah madaxdii Alshabab oo magaalada si xuriyad ah u dhex maraya Magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir Aweys ayaa saakay waxaa lagu arkay isaga oo ku sugan Degmada Hodan gaar ahaan xaafada KPP oo uu ku leeyahay Guri.

Shiikh xasan daahir ayaa waxa uu ku jiray xabsi in mudo ahba, oo uu u xirnaa Dowlada iyo Koox kale oo aan lagaranin, hase ahaatee waxa Madaxweynaha qaranku dhawaan uu sheegay in Xasan Daahir uu yahay nin madax adag oo aan weli cadeyn in uu Alshabab ka baxay.

Ugu dambeyntii midan ayaa u noqon doonta kooxda Alshabab oo iyagu dhib badan ku qaba in uu dhib u geysto Madaxa kooxdaasi.

 

Leave a Reply