Xasan Sheekh “Tarsan Waa La Badalayaa Xilkuna Waa Meerto”

    46
    0
    SHARE

    Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo xalay ka qeyb galay barnaamijka dood Wadaag oo ka baxa Telefeshinka universal ayaa ka hadlay arimo badan ka dib su’aalo furan oo bulshada goobta ku sugan ay weydiiyeenMadaxweynaha.

    Xasan Sheakh Maxameed ayaa waxa uu dhinaca kale ka hadlay iscasilaadii Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ee Maxamed Axmed Nuur Tarsan ee ku aadaneyd xilka loo Magacaabay ee ah wasiir ku xigeenka isboortiga iyo Dhalinyarada Xukuumada Cuusb ee uu dhawaan soo dhisay Ra’isal Wasaaraha Dalka.

    Madaxwyenaha ayaa sheegay in Tarsan uu yahay shaqsi wax badan u soo qabtay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed balse aaney jirin cid lagala dar daarmay oo la dhalatay xilka isbadalna loo baahan yahay,waxa uuna intaasi ku daray in Darajada Dowladnimada aysan ahayn in Qofka xil loo Magacaabay uu weligiisa haynaayo xilkaasi laakiin aan sidaas ahayn Xilkana ay tahay Meerto oo qof walbo is bedel lagu sameynaayo.

    Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa Yiri Sidaan “Maxamuud Axmed Nuur Gudoomiyaha Gobolka Banaadir nin shaqo soo qabtay waaye, nin dhowr sano Gudoomiyeyaashii waayahan dalka soo marayay kii ugu waqtiga dheeraa ayuu ahaa, wixii uu qabtay dadku wey qirayaan, dowladdu wey qireysaa, laakiin taas macnaheedu ma ahan darajada dowladnimadu oo ay mida Madaxweynenimada ugu weyn tahay boos 50 ber 50 oo qofka loo cabariyay oo ebedkiisa lahaanayo ma ahan, waa la is bedelayaa, Gudoomiyaha waa la bedelayaa , midka berri imaan doona waa la bedelayaa kuwii isaga ka horeeyay waa la bedelay”.

    Dhawaan ayeey aheyd markii Xil u muuqda Jeesjees markii loo magacaabay gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyarada, kaasi oo Tarsan si dadban loogu sheegayey in uu xilka isaga dago.

    Leave a Reply