Xassan Sheikh Shabaab waan so Afjareynaa

Xassan Sheikh Shabaab waan so Afjareynaa

24
0
SHARE

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegatay in Ciidamada Milateriga Dowladda Federaalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay dhowaan qaadi doonaan howlgalo ka dhan ah Ururka al-Shabaab.

Weeraradaan ayaa lagu qaadi doona siduu sheeegay goobaha ay weli haystaan Kooxda Al-Shabaab ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Addis Ababa kahor shir madaxeedka Midowga Afrika maanta ka furmaaya ayaa sheegay in ay socdaan qorsheyaal lagu xoreynaayo goobahaas isla markaana howlgalada dhowaan bilaabanayaan.

‘’Ciidamada qaranka Soomaaliyeed iyo Midowga Afrika si wadajir bay u qaadi doonaan howlgalo looga saarayo al-Shabaab oo dhulka Soomaaliyeed gebi ahaan lagaga saarayo al-Shabaab, waa ay socdaan qorsheyaasha’’, ayuu yiri Madaxweynaha oo ka gaabsaday xilliga rasmiga ah bilaabanayaan.

Xassan Sheikh ayaa intaas ku daray in khatarta al-Shabab ay weli sii socon doonto, isagoo sidoo kale xusay in goobaha ay Dowladda la wareegto ay gaarsiin doonaan maamulka Dowladnimo.

Al-Shabaab ayaa hore u lumiyey magaalooyin muhiim ah, waxaana qorshaha ay Dowladda wado sii xoojiyey Ciidamada Itoobiya ee dhowaan ku biiray AMISOM oo aragtiyo kala duwan laga qabo.

 

Leave a Reply