Thursday, February 22nd, 2018

XIISAD DAGAAL OO KA TAAGAY MAGAALADA KISMAAYO IYO HUB ARUURSI LAGA DAREEMAAYO.

Published on January 31, 2018 by   ·   No Comments

Wararka naga gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa Maaleeshiyaad hubeysan iyo sidoo kale Ciidamada maamulka Jubbaland.

Xiisaddan ayaa ka dhalatay ka dib markii ciidamada maamulka Jubbaland ay xireen xildhibaan Axmed Taajir oo ka mid ahaa Xildhibaanada Jubbaland.

Xildhibaanka ayaa maalmo ka hor waxaa Xasaanada ka qaaday Baarlamaanka Jubbaland.

Maleeshiyaad ku heyb ah Xildhibaanka ayaa Xalay ilaa shalay Sameeyay Is aruursi.

Dad ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa Risaala u xaqiijiyay in ciidamada Jubbaland ay si weyn u adkeeyeen Ammaanka, waxaana xiran wadooyinka qaar ee Magaalada Kismaayo.

Maalmhii lasoo dhaafay ayaa waxaa xoogeystay Khilaafka u dhaxeeya Xildhibaanada iyo Madaxtooyadda Jubbaland.

Readers Comments (0)

Comments are closed.

FIND ON FACEBOOK