Xiisad ka taagan Qabri Dahar iyo Tigreega oo sii Huriyay Xaaladda Jigjiga

Xiisad ka taagan Qabri Dahar iyo Tigreega oo sii Huriyay Xaaladda Jigjiga

212
0
SHARE

Magaalada Qabridahar dowlad degaanka Soomaalida ee dalka  waxaa is hor-fadhiya Ciidankii Military-ga Ethiopia oo kasoo baxay xeryahoodii ay shalay dageen iyo dadwaynaha oo ka careysan dhaqdhaqaaqooda.

Ciidamada ayaa doonaya in ay galaan Magaalada, Maadama shalay galeen magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida.

Dadka Shacabka ayaa dhagaxaan ku tuuraya askarta Milateriga.

Dhanka kale Xukuumadda gobolka Tigreega ee dalka Itoobiya ayaa ugu baaqday hoggaamiyeyaasha gobolka soomaalida iyo dowladda federaalka inay ka shaqeeyaan nabadgelyada dowlad deegaanka Soomaalida

Waxay cambaareeyeen rabshadihii halkaasi ka dhacay.

Bayaan kasoo baxay xafiiska maamulka Tigreega ayaa lagu sheegay in tallaabo kasta oo lagu carqaladaynayo nabadda iyo xasilloonida in si dastuurka waafaqsan loo xaliyo.

Waxay intaasi ku dareen in aanan loo dulqaadan doonin tallaabo kasta oo wiiqayso nidaamka dastuuriga ah.

Ugu dambayn, dowladda gobolka Tigreega ayaa tacsi u dirtay ehaladii dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay magaalada Jigjiga.

Leave a Reply