Xildhibaan Cosoble “Dowladdu waa ay ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab”.

Xildhibaan Cosoble “Dowladdu waa ay ka gaabisay dagaalka Al-Shabaab”.

84
0
SHARE

Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golasha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku dhaliilay dowladda inay ka gaabisay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Isagoo ka hadlayay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho oo dadka ka soo jeeda deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ku muujinayeen dhibaatooyin ay kala kulmaan Al-Shabaab ayuu sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay dhibkaas, maadaama aanay go’aansan in Al-Shabaab laga xoreeyo deegaanka.

Xildhibaan Cosoble ayaa sheegay in aanay dowladda u weyn hub iyo rasaas, balse ay ka jiifto in loo dhaqaaqo sidii looga xoreyn lahaa deegaanada Al-Shabaab maamulaan.

“Dhibka maanta na heysto waxaa ka mas’uul ah Xukuumadda Nabad iyo Nolol isku-tilmaamtay, deegaanada in laga xoreeyo Shabaab oo ciidan loo diro, dowladda awood uma weynin hubkii iyo rasaastii ugu badnaa oo dowlad soomaaliyeed la siiyo ayaa soo gaaray dowladda hada jirta, meel ayay ku xareysan yihiin, hadana in loo dhaqaaqo dhulkaas ciidanka jooga la abaabulo rasaas iyo hub la siiyo waxa laga sameyn karin waa Xukuumadda”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble.

Dadka ku dhaqan deegaano ka tirsan Shabeellaha Dhexe ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka cabanayay dhibaatooyin ay sheegeen inay kala kulmayaan Al-Shabaab.

Leave a Reply